WEEDHA WARGEYSKA Soomaaliya Ma Dawlad Baa?

0
69

Marka koowaad ee aad su’aashan kor ku xussan arragto, ha ku deg-dagin jawaabta oo markaba hala soo booddin Haa ama Maya. Balse aan isla eegno, sababta keentay.

Dedaalka Caalamka

Qaramadda midoobay marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya xiligan waxaa uu ka taagan yahay niyad jab, waxaana si cad u fashilmay qorshihii la doonayay in dalkaas lagaga hirgeliyo dawlad. Waxaana haatan hortaalla Golaha Amaanka laba darran mid doorro. Si aan taas u fahamno, waxaa aynu ku noqonaynaa taariikh kooban. Waxaa jirtay oo aan u baahnayn cadayn In Qaramadda Midoobay tan iyo 1991 kii hadba meel ay taagneyd ba isku hawlaysay in mar uun la hello nidaam shaqeynaya oo ka hanaqaadda Muqdisho.

Waxaana ugu danbeeyay kan hadda jira oo u muuqda rajedii ugu danbeysay, Islamarkaana loo sameeyay qorshe hawleed iyo khariirad dhabaha u xaadha dawlad caggaheedda ku taagan oo dadka Soomaaliya matasha in la sameeyo. Qorshahaas, oo ka dhashay lagagana hortagayay nidaamyo kobcayay oo Qaramada Midoobay u arkaysay argagixiso, islamarkaana ku xoogaystay dalkaas illaa haddana dagaal adag kaga jira. Waxaa dhamaadkiisii ku egyahay May 2020, waxaana ay ahayd in cudud ciidan, mid aqooneed iyo hawl kasta marka la isku geeyo ka dib la hello dawlad ummada Soomaaliyeed matasha. Laakiin, taasi ma muuqato waxaana cad in hanaankaas dhawr iyo tobanka sanadood la soo wadday ee mar ku meelgaadhka ahaa, mar kale dawlad la aqoonsan yahay lagu sheegay ka dib markii Somaliland ogolaatay in dunnidu aqbasho shirkii London. In aan waxba la kordhin ee ay tahay uun halkeeddii. Tusaalle ahaan, waxaa aynu xigganaynaa UNSOM oo qoraal ku leh sidan. “Tan iyo markii la aas-aasay 3-dii Juun 2013, UNSOM waxay la shaqeyneysey Dowladda Federaalka (FGS), Baarlamaanka Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa dhismaya, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah iyo kooxaha haweenka, waxaana dhex maray wadashaqeyn la xidhiidha dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.”

Ma ku guulaysteen, maya, xattaa qabyotirka dastuurka ayaa intaas oo jeer muddo kordhin loo sameeyay. Waxaana cadaysay UNISOM oo leh, sidan. “Diiradda Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ee UNSOM (PAMG) waxay ku foogan tahay Yoolka 1-aad (siyaasad loo dhan yahay). Ujeeddooyinka biyo kama-dhibcaanka ah ee Yoolka 1-aad laga leeyahayna waa in la helo siyaasad loo dhan yahay, si loo gaadho Soomaaliya nabdoon oo xasilloon.” Ma la gaadhay weeye su’aashu.

Waxaana qoraalkaasi intaas ku daray, oo hiigsiga ku jiray oo UNISOM hawsheedu ahayd, “Taageeridda horumarrada lugu hiigsanayo dimuqraadiyad buuxda, sida fududeynta kala guurka siyaasadda 2016 iyo dadaallada ku aadden qabashada doorasho guud ee 2020; Dardargelinta hawlaha dib loogu eegayo dastuurka qabyada ah ee Federaalka.”

Waxaana ay qireen sidda boggoodda ku cad in aan laga gaadhin guul hawlahaas. “Waxay caqabad weyn ka taagan tahay karaanka hay’adaha heer faderaal oo aan lahayn tayo, tabar iyo towfiiq ay kaga tallaabaan turaan-turrooyinka siyaasadeed ee ku xeeran”

Waxaana ay qireen inay kor ka soo billaabeen nidaamkii ay ahayd in hoosta laga dhiso sida Arday halkii uu fasalka koowaad ee dugsiga hoose ka gelli lahaa maalintii kaawaadba jaamacad fadhiistay oo yidhi annigu xagga sare ayaan ka bilaabayaa oo hoos ayaan u soconayaa. “Baahida ballaadhan ee loo qabo in la sii wado dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale khasab ka dhigaya in wax laga qabto, si loo xaqiijiyo in dhismaha dowladnimada gunta hoose laga soo billaabo.”

Intaas sarka xaadiska ah, haddii aynu arragtida farsamo yaqaanadda dhismaha maamulkaasi gacanta ku haya ku dhaafno. Dhawaan golaha Amaanka waxaa la isku weydiiyay muddo kordhin loo sameeyo hanaankii dhismaha dawladda Somalia loo dejiyay ee lagu jaan-gooyay in 2020 la helo dawlad ku timid codka dadweynaha. Haaheey, waxaa laga arrin sanayaa In ciidamadda AMISOM ee Jooga oo 20,000 ku dhaw waqtigoodda la kordhiyo, maamulka dalkaasina ku sii hoos jiro golaha amaanka iyo in kale. Waxaana arrintan judhiiba ku gacan saydhay dalwaddo uu ka mid yahay Maraykanku oo tilmaamay in la isku oggaa in muddo cayiman lagu dhiso dawladnimadda Soomaaliya haddii lagu fashilmayna aanay sii waddi Karin.

Waxaan dedaalka beesha caalamka iyo ka soo reyn la’aanta dawladnimadda Soomaaliya, aan ku xasuustay sheeko hore. Waxaa la yidhi Reer baa beri nin oday ahi ka xannuunsaday, waa nin Buka boqol u tallisaye hadba dhan baa loola orday, ha loo duceeyo, nin Geedo gooye ah u geeya, Sheekh Hebel baa tuf lehe ku eegga, iyo bal Xiddigiyahana ha u jeeddaaliyo habeennkiisa. Midba meel buu ku dhuftaa in Ood la saaro ayaa u daawo ah, in sidaas la yeello.. Odaygii tiisii baa gashay oo dhimay. Dabadeed, Ooridiisii ayaa barroortii ku muujisay in aan wax dedaal ahi ku baaqan ee waqtigiisii dhamaaday, waxaa ay tidhi “Alle loo bari, Oodna Loo goo, Eyna loo qal, Ooli waa hebel”

Dagaalka Farmaajo

In kasta oo aan Soomaaliya wax dawlad ah oo dadkeedda matashaa ka jirin, haddana Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waa hilmaamay, waxaana uu dagaal u dawladdayn ah ku bilaabay Qaranka Somaliland. Mar hawadda uu isku qaaday, mar waxaa uu weerary dhaqaalaha ama Xoollaha dhoofaya iyo mar uu heshiisyadda caalamiga ah ee Somaliland dunnida la gashay wax ka sheegaba.

Waxaa qallinku leeyahay, Farmaajo markaa, sidi sidi daada mooyee, dhul u dhacaaga hubso, ogowna xattaa haddii lagu guulaysto dedaalka dunidda oo dhami ku jirto oo dawlad aad noqotaan in aanay Somaliland weligeed waxba la wadaagin wax la yidhaa Dawladda Federaalka ah ee Somalia.

Dhinaca Sharciga

Aan sii faahfaahino oo xiggano saddaro taariikheed oo Garyaqaan Xassan Faarax midnimadda Somaliand iyo Somalia ku faaqiday. “Somaliland iyo Somalia iyaga oo laba Jamhuriyadood oo kala madax banaan mid kastaana leedahay Dastuur, calan, baarlmaan, gole wasiiro iyo ciidan heshiisyana kula jiraan dawlado kale ayay ku midoobeen in ay noqdaan dal la yidhaa “Jamhuuriyada Soomaalida”, oo sida magaca ka muuqata midayn doona, dadka Soomaaliyeed meel ay joogaan ba. Heshiiskii midawga laba Baarlamaan ee kala madaxa banaani si isku mid ah uma ay ansixin. Baarlamaankii Somaliland heshiiska waxa uu ku ansixiyay hoolka Maxkamada Sare, halka Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay oo kaliya laba qodob oo ah in labada dalna la mideeyay, labada baarlamaana la isku daray, taasi oo ah mabda’ ahaan uun in la ansixiyay, iyaga oo ilduufkaasi sharci og, ayaa sanad ka dib la keenay Baarlamaanka Heshiiska midawga oo ka duwan kii Somaliland ansixisay, kaas oo dhaqangalkiisa dib-loo celiyay, taasina waxa ay ka soo horjeedaa mabda’a caalamiga ah ee dhigaya in aan sharciyada dib loo celin karin. Dood sharci oo aad u xoog badan baana ka taagan sharciyadiisa marka horeba.

Waxa taasi dheer, Dalkii ay ku midoobeen ee Jamhuuriyada Soomaalidu isna dal imika jira oo la yaqaano, lana aqoonsan yahay maaha.

Jamhuuriyada Somalia ama Jamhuuriyada Dimuquraadiga ah ee Soomaaliya, midkoodna ma ahayn magac dal oo ku yimid afti dadwayne, sidaa darteedna, sharciyad uu ku taagnaa ma jirin. Somaliland qayb kama ahayn waxa haatan loogu yeedho Dawlada Federaalka ah, Dastuur iyo heshiis ay ansixisay ama afti dadweyne lagu ogolaadayna ma jirto.”

Ka Somaliland Ahaan

Somaliland ahaan waxaa qallinku u arkaa in ay inala quman tahay in aynaan la murmin, fadhiid aan awoodin inuu daadah lyo duugis midna ku kaco, balse wixii dibindaabyo inagaga yimaadda waa inaynu kala xaalno uun Golaha Amaanka ee maamula Somalia ileyn dawlad ba ma’aha’e.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here