“Arrinta Ceel Afweyn Ka Dhacday Ficil Foolxun Buu Ahaa Salaadiintu Fadhiga Haka-Kacaan” Suldaan Nadiif

0
551

Hargeysa (Dawan)- Suldaan Nadiif Seed Jibriil oo ka mida bahda dhaqanka Somaliland ayaa si adag uga hadley dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, taasi oo ay dablay hubaysani ku laayee dad shacab ah oo haween u badan.

Suldaan Nadiif ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay dhacdo aad u fool xun, isaga oo Xukuumada Somaliland iyo Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo ay arrinta Ceel-afweyn wax ka qabtaan. Waxaanu yidhi “Waa arrin aad u Fool xun oo ciidna ku beegantay dadka sameeyeyna dad ILLAHAY ka baqayaa may ahayn, waa in arrinta labada reer gacan bir ah lagu qabtaa oo ay kacaan wixii madax dhaqameed ah ee Xukuumadda iyo shacab ah, waxaanu ku celinayaa war fadhiga ka kaca oo labada reer kala gaadha, wax waad ka qaban kartaane.”

Dhinaca kale, Suldaan Nadiif ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ay xal nabad ah ku dhammeyso arrinta Kornayl Caarre, waxaanu yidhi. “Wada hadalka u socda dawladda iyo kornayl Caarre waxa aanu doonaynaa in hawshaasi dhammaato oo nabad lagu dhammeeyo oo dawladdu Caarre la heshiisiyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply