“Madaxweyne Waan Uga Mahad Naqaynaa Sidii Degdega Ahayd ee uu uga Jawaabay Baaqii Bulshadda Togdheer”… Xildhibaan Bidhi

0
517

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sidii deg dega ahayd ee uu baaqii bulshadda Gobolka Togdheer uga soo jawaabay markii ay Daadadku waxyeeleeyeen biriijyadda magaaladda Burco.

Kadib markii saddex bilood ka hor roobab mahiigaan ahaa oo ka da’ay gobolka Togdheer ay dhibaato xoog leh u gaysteen biriijyadda magaaladda Burco, taas oo sababtay in la xidho mid ka mida biriijyadda dhex mara Burco.

Waxaana jirtay in xiligaasi bulshadda gobolka Togdheer ay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, u direen codsi ay kaga dalbanayeen in wax laga qabto biriijyadaasi ay roobabku waxyeeleeyeen.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco waxa uu sheegay in isla markiiba uu madaxweynaha Somaliland si dhakhso ah uga jawaabay baaqii uga yimid dadweynaha Togdheer, isagoo isla markiiba saxeexay in la bixiyo lacagta dayactirka biriijyadaasi oo markii la qiimeeyay noqotay $500,000 dollar.

Mubaarig Bidhi, oo ka hadlayay halka ay marayso hawsha lagu dayactirayo biriijyadda Burco, waxa uu yidhi “Lacagta lagu dayactirayo biriijyadda Burco madaxweynuhu si dhakhso ah ayuu u bixiyay. Waxaanu isla markiiba ka soo jawaabay baaqii ay u jeediyeen bulshadda gobolka Togdheer oo isku dhan, kadib markii roobabku waxyeeleeyeen biriijyadda.

Waxaanu u soo diray Burco Injiineerro ka socday wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland si ay u soo qiimeeyaan baaxadda khasaaraha ay Daadadku u gaysteen biriijyadda Burco. Markii danbe-na qiimayntii ay isla sameeyeen khubaradii wasaaradda hawlaha guud ka socday iyo shirkadii biriijka Deero dhistay, waakuwii madaxweynaha u geeyay.

Madaxweynuhu-na qiimayntii loo geeyay markiiba wuu ogolaaday, wuuna saxeexay lacagtii lagu dayactiri lahaa biriijyadaasi. Isagoo madaxweynuhu u Dhego-nuglaaday baaqii shacabkiisa Togdheer.waxaanan odhan karaa si dhakhso ah ayuu madaxweynuhu u fuliyay balan qaadkaasi. Markii danbe-na si dhakhso ayuu lacagtii u bixiyay”.

Sidoo kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxa uu sheegay in tartanka loo gelayo qandaraaska dhismaha biriijka Burco ay guddiga qandaraasyadda qaranku shaaciyeen Arbacadii ina dhaaftay, isla markaana tartankaasi uu soo xidhmayo 19-ka bishan.

“Imika-na lacagtii lagu dayactirayay biriijkaasi way taallaa, waanu bilaabmayaa dhismaha dayactirku si dhakhso ah. Waxaana jirta in guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland, oo isla shalay-ba (Arbacadii) markii ay soo gaadhay waraaqdii wasaaradda hawlaha guud, isla markiiba shaaciyay qandaraaska dayactirka biriijka.

Shaacinta qandaraaska dhismaha biriijka Burco, ee guddiga qandaraasyadda qaranku ay shaaciyeen tartanka loo gelayaa wuxuu soo xidhmayaa 19-ka bishan. 20-ka bisha-na xafiiska badhasaabka Togdheer ayaa lagu shaacin doonaa shirkadda ku guulaysata.

20-ka bisha wixii ka danbeeya-na, waxaa bilaabmi doonta in shirkadda ku guulaysataa ay bilaabi doonto shaqadda. Markaa isla bishan aan ku jirno ayay shaqadii dayactirka biriijku bilaabmaysaa” ayuu yidhi Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sidii deg dega ahayd ee uu uga soo jawaabay baaqii bulshadiisa Togdheer iyo sidoo kale sidii dhakhsaha ahayd ee uu lacagta dayactirkaasi u soo bixiyay una saxeexay.

Waxaanu yidhi “Waanan uga mahad naqaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga ayaana mudan in looga mahad naqo oo lacagta dayactirka biriijka bixiyay, oo weliba si dhakhso ah u bixiyay.

Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa cid kastoo ka qayb qaadatay, oo dedaal gelisay hawsha dayactirka biriijkaasi. Waxa kaloo aan u mahad naqayaa maayarka Burco oo furitaanka wadadda cusub, kadib markii gaadiidka laga xidhay in ay maraan biriijka Daadadku dhaawaceen, si aanay bulshadu u dareemin culays.

Waayo? Culays ayaa fuulay oo dadku ma wada mari karaan hal biriij. Ilaa shalay (doraad) ayaanu maayarku u diray Cagafyo banaynayay jid kale oo ay gaadiidka iyo dadku maraan, oo Jay la dhigay, si loo isticmaalo inta biriijka la samaynayo. Taasoo ay dadweynuhu aad uga caban jireen”.

Ugu danbayn xildhibaan Mubarig Bidhi, ayaa u mahad naqay cid kastoo ka qayb qaadatay dedejinta hawsha dayactirka biriijyadda Burco gaar ahaana guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland oo uu sheegay in isla markiiba uu si deg deg ah u shaaciyay tartanka loo gelayo qandaraaskaasi.

“Waxaan halkan uga mahad naqaynaa cid kastoo gacan ka gaysatay hawsha dedejinta dayactirka biriijka Burco, haddii ay tahay wasaaradda hawlaha guud iyo guddiga qandaraasyadda qaranka.

Gaar ahaana guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, oo isagu markiiba dedejiyay in uu shaaciyo tartanka loo gelayo dayactirka biriijyadda Burco. Waan uga mahad naqaynaa” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply