Colaadda Ceel-Afweyn oo Saamayn Ku Yeelatay Waxbarashadda Degaankaasi

0
639

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa sheegay in colaadaha demi wadyay ee degmada Ceel-afweyn ay saamayn xun ku yeesheen waxbarashadii ardayda degmadaas.

Waxaanu tilmaamay in marka la is-bar-bar dhigo tiradda ardaydii sanadihii colaadda ka horeeyay degmadaasi wax ka baran jiray iyo inta ay imika marayaan ay aad u kala fog yihiin.

Isagoo xusay in tiradda ardayda sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ee degmadda Ceel-Afweyn ay ahaayeen 26 arday, taasoo aad uga hoosaysa marka la bar-bar dhigo sanadihii hore.

Daa’uud Axmed Faarax, waxa uu sidan ka sheegay munaasibadii Khamiistii doraad lagaga dhawaaqayay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dalka.

“Waxaanu is-bar-bardhig ku samaynay waxbarashada degmadda Ceel-Afweyn intii aanay colaad beeleedku ka bilaabmin ka hor, ardayda tiradoodu sida ay ahayd iyo maanta siday tahay. Sanadkii 2015-kii ilaa maanta sidii taasi u bilaabantay ardaydiii ugu danbaysay ilaa todoba iyo sagaashan arday ayay markaasi marayeen.

Maanta-na waxay marayaan 26-arday. Waalidka iyo inta caqliga lihi waa inay ku baraarugto marka laga yimaado dunuubta la gellayo, ee jahanaba lagu tagayo, ee xabada la isku dhufanayo ah, jiilkii soo korayay khasaaraha gaadhaya” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa fariin u diray cidkastoo ay arrintaasi khusayso in ay ubadkooda u damqadaan, isla markaana aanay ka ku mashquulin kuwa dagaalamay.

Balse looga baahan yahy guud ahaanba bulshadda degaanka Ceel-Afweyn in ay ka fekeraan mustaqbalka waxbarasho ee caruurtoodda.

Waxaanu yidhi “Markaa, waxaan ka codsan lahaa cid kastoo arrintaasi wax ka tari karta, in ilmahaasi yar-yar loo damqado. Haddii aad dhegaysato arday yar oo ka mida oo la waraysanayo caloosha ayaa ku wareegaysa, sida uu u tilmaamayo inay qayrkood ka hadheen.

Markaa waa in laga fekeraa khasaaraha dhanka cilmiga ah ee degaankaasi ka dhalaynaya. Waxaanan ILLAAHAY (SWT) uga baryaynaa in dadkaasi walaalaheen ah uu Bogoodda Burcad isu mariyo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply