Barashada Sharcigu waa Barbaarinta Ummadda: Faallo Faysal Xiis Afgaab

0
1251

Hargeysa (Dawan):- Guud ahaan caalamka aynu ku nool nahay dal kastaaba wuxuu leeyahay qawaaniin iyo shuruuc lagu dhaqo ummaddiisa, isla markaana lagu hago oo ay ku tahay dawlad nidaam iyo kala dambeyn leh oo ay ku maarayso noloshooda guud.

Somaliland waxaa saldhig u ah shareecada islaamka oo ah diinta suubban ee ALLE (ST) innagu galladay waxaana ka reebban Somaliland guud ahaan dhulkeeda in diin aan Islaam ahayn lagu faafiyo lagu dhaqmo ama loo sameeyo goobo cibaado.

Waxaanay Somaliland leedahay dastuur iyo shuruuc dhammaantood ku aroora shareecada islaamka oo aasaas u ah, waxaana ka reebban Somaliland ku dhaqanka sharci kasta oo ka hor imanaya shareecada Islaamka, dastuurka qaranka iyo xeerarka dalka.

Haddaba iyadoo laga duulayo barbaarinta sharciga ee bulshada reer Somaliland ayay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland bilawday in ay dadka gaadhsiiso oo ay barto dastuurka dalka oo ah sharciga ugu sarreeya ee dalka.

Tallaabada barashada dastuurka oo ay wasaaraddu dalka oo dhan ka waddo ayay ku gaadhsiisay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliland dastuurka Somaliland taas oo looga dan leeyahay in dadku ay bartaan shuruucda dalka isla markaana ay ogaadaan xuquuqda muwaadinku leeyahay iyo waajibaadka qaran ee qofka lagu leeyahay taasoo wax badan ka taraysa in la helo ummad ku baraarugsan muwaadinnimada isla markaana dalkooda garan kara waajibaadka ka saaran iyo in qofku garan karo xuquuqda uu leeyahay ee uu ku doodi karo.

Tallaabada wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurku ay qaadday oo uu hormuud u yahay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa sabab u noqonaysa in qofka muwaadinka ahi isaga oo shaqsi ah oo ka gudbay dhibaatooyin badan oo imika inna haysta oo qabyaaladdu ay ka mid tahay in uu wax ku raadiyo,tusaale ahaan marar badan ayaad imika maqlaysaa haddaanu reer hebel nahay iyo haddaanu beel heblaayo nahay,waxaana sabab u ah in hadalada noocaas ahi ay bulshada dhexdeeda ku soo noq noqdaan waxaanay wali dadku fahmin xuquuqda qofka muwaadinka ahi uu leeyahay iyo waajibaadka isaga saaran laakiin marka uu ogaado in xuquuq muwaadin oo dastuurku uu siiyay ay jirto iyo waajibaad lagu leeyahay iyo in aanay meelna sharciga dalka kaga jirin xuquuq beeli leedahay laakiin beesha wax ka sokeeya oo qof la yidhaahdo muwaadin ahi in uu xuquuq leeyahay waxaa soo baxaysa bulsho isla tiirisay qabiil iyo qabyaalad isla markaana muwaadinku xuquuqdiisa ku dodo.

Waxaa kale oo uu qofku garanayaa markuu dastuurka iyo xeerarka dalkiisa uu barto maxaa dambi ah oo aad ciqaab ku mudanaynaa maxaase sharcigu kuu ogol yahay oo kuu bannaan oo aad ka hadli karaysaa ama aad doonan karaysaa.

Markaynu helno bulsho miyi iyo magaaloba baratay shuruucda dalka oo uu gu sarreeyo dastuurka qaranku waxaynu noqonaynaa bulshu isla xisaabtami karta oo la wada garanayo dawladda waajibaadka saaran ee muwaadiniintu ay ka sugayaan iyo waajibaadka muwaanidiinta saaran,taas ayaana ah hawsha ugu weyn ee ay hadda waddo wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland,waxaanay kulamo muhiim ah ku soo qabteen gobolo badan oo ka mid ah dalka Somaliland iyadoo wasaaraddu gobolada dalka oo dhan xarumihii wasaaradda ka soo furatay isla markaana ay ka hawl galaan isuduweyaashii gobolada iyo hawlwadeenadii wasaaraddu.

Waxaa kale oo wasaaraddu ay tababar aad muhiim u ahaa u qabatay 300 oo macalin oo ka mid ah macalimiinta isguulda dawliga ah oo ku jira kuliyadda tababarka macalimiinta ee caasimadda Hargeysa oo lagu tababaray faafinta dastuurka isla markaana iyaga si xeeldheeri ah loo fahansiiyay.

Waxaa kale oo wasaaraddu kulamo ku qabatay magaalooyinka Boorama iyo Gabilay oo bulshada labadaa magaalo loo qabtay tababar la xidhiidha barashada dastuurka iyo ku dhaqankiisa iyadoo labadaa kulan ee labada magaalo ee Boorama iyo Gabilay uu goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyadoo bulshooyinka Boorama iyo Gabilay-na loo qaybiyay dastuurka Somaliland.

Haddaba waxaa loo baahan yahay si aynu u noqono umad dhammaantood sharciga dalkooda aqoon u leh in aynu ka faa’iidaysano barashada dastuurka Somaliland ee ay inoo waddo wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

Waana markii ugu horraysay ee dastuurka qaranka loo sameeyo wasaarad u gaar ah oo bulshada gaadhsiisa taasoo ka mid ah ballan qaadyadii madaxweynaha qaranka ee ahayd sarraynta sharciga, sharciga sarrayntiisa in aad ku dhqantana waxaad u baahan tahay in aad barato.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply