Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE oo Caddeeyay in ay ka Go’antahay in Doorasho xilligeeda ku Qabsoonta

0
523

Hargeysa (Dawan):- Dood ay ka qayb galeen saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayay labada masuul ee uga qayb galay labada xisbi mucaarid bulshada shaki galiyay, isla markaana si niyad jab ah u sheegay in aanay doorashooyinka gollaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanku aanay xilligooda ku qabsoomayn.

Halka xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE uu caddeeyay in doorashooyinku ay xilligooda ku qabsoomaan, isla markaana ay ka xisbi ahaan iyo ka xukuumad ahaanba ay ka hawl galeen iyadoo uu caddeeyay in doorka ugu wayn ee suuragelinta doorashooyinkana uu qaatay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guud ahaan hoggaanka xisbiguba.

Dooda oo ay ka qayb galeen Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Xoghaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan.

Xoghayaha guud ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo ka hadlayay sababaha dib u dhacyada dooradhooyinka Somaliland salka u ah iyo siday ay uga go’antahay ka xisbi iyo xukuumad ahaanba in caqabaddaa Somaliland ay ka gudubto oo KULMIYE ka saaro dib u dhaca doorashooyinka, ayuu yidhi “Run ahaantii waa arrimo jira duruufo farabadan oo jira oo dalku soo maray dhaqaale yaraan, shuruucda oo curdin ah iyo arrimo badan oo kale oo la soo gudboonaaday xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray oo iska daalaadhacayay. Horta asxaab mucaaridi markay meesha joogaan horta in hoggaan xumo uun lagu cararo maaha waxaana ka muuqata aragti gaaban oo aan meel fog gaadhsiisnayn, Xisbiga KULMIYE wuxuu ballan ku galay in doorashadu qabsoonto oo aanay dib u dhicin, ka xukuumad ahaan iyo ka xisbi ahaan iyo ka madaxweyne ahaanba waxaa naga go’an in sida ugu suuragalsan ee ugu saxsan in doorashooyinku ay ku qabsoomaan oo aanay dib u dhicin arrinta soo noqnoqotay ee dib u dhaca doorashooyinka.”

Xoghayaha Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo isna ka hadlayay sababta doorashooyinku dib ugu dhacaan, ayaa sheegay in ay jecel yihiin in doorashadu xilligeeda qabsoonto isla markaana ay heshiis ka gaadheen sadexda xisbi qaran, waxaanu intaa raaciyay in wali u muuqato arrimo doorashooyinka dib u dhigi karaa, taas oo uu carrabaabay in ay jirto jiitan ka jira hawl socodsiinta arrimaha qabsoomidda doorashada.

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Prof: Axmed Cabdi Muuse Prof: Abyan. Ayaa isna dhankiisa rejo aad u yar ka muujiyay in doorashooyinku ay qabsoomaan isagoo ku raacay xoghayaha guud ee WADDANI shaki ay dadka ka gelinayaan in doorashooyinku ay ku qabsoomaan xilli munaasib ah.

Laakiin xoghayaha guud ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa caddeeyay mawqifka xisbiga KULMIYE iyo ka xukuumadda labadaba, isagoo daboolka ka qaaday in xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ba in ay ka go’an tahay fulinta heshiiskii asxaabta qaranku wada gaadhay iyo in doorashooyinku ay qabsoomaan xilliga u astaysan. Waxaanu caddeeyay Xoghaye Xasan Siciid in ay si wayn uga taxaderayaan in dib u dhac dambe ku yimaado doorashooyinka dalka isagoo intaa ku daray in xildhibaanada xisbiga KULMIYE, Xukuumadda iyo xisbiguba ay ka wada shaqaynayaan suuragelinta doorashooyinka.

Waxaa kale oo doodad ka qayb galay Yuusuf Cismaan Garas oo dooda kaga qayb galay siyaasi madaxbannaan isla markaana xilal wasiir ku xigeen ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in dooda xisbiyada mucaaridku ay tahay mid ku salaysan kursiga ay ka maqan yihiiin oo keliya laakiin haddii ay hoggaanka dalka joogi lahaayeenna ay sidan uu u dhici lahayd isla markaana ay is diidsiinayaan duruufaha keenay dib u dhaca doorashooyinka ee soo noq noqday.

Xoghaye Xasan Siciid oo ka hadlayay heshiiskii xisbiyadu gaadheen oo labada masuul ee UCID iyo WADDANI, in ay sheegeen xukuumaddu ka cago jiidayso, ayaa yidhi. “Horta heshiiska asxaabta qaranku wada gaadheen waxaa ka soo wareegay dhawr iyo toban cisho, saaxiibaday haddaanay u jeedin qod qod iyo cambaarayn aan meelna jirin uun, waxaa la isku ogaa in laga wada shaqeeyo oo laga hawl galo Xisbiga KULMIYE wuu ka hawl galay oo iyadoo waliba doorka u wayn aanu qaadanay oo madaxweynaha iyo xisbiguba ay qaateen, xildhibaanada ugu faraha badan ee golaha wakiiladu waa xisbiga KULMIYE, waxaanu la kulmaynay xildhibaanada oo aanu kulamo joogto ah kala yeelanaynay si hawlaha loo fududeeyo hoggaanka ayaanu la kulmaynay iyagana sidaas oo kale ayaa laga sugayay, waanan wadnaa walina fari kama qodna laakiin waxaan u malaynayaa iyagu siyaasadda xisbiyadooda lama socdaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply