Wasiir Hinda oo Deeqo Kala Duwan Gaadhsiisay Cisbitaalada Dhimirka iyo Qaaxada

0
506

Hargeysa-(Dawan)- Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Marwo Hinda jaamac Xirsi Gaani ayaa shalay gaadhsiisay deeq isugu jirta Xoolo, Dhar iyo Raashin xarumaha Cisbitaalada dhimirka iyo qaaxada ee Magaalada Hargeysa .

Wasiir Hinda oo maalmahan ku gudda jirtay caawimada iyo gaadhsiinta deeqo kala duwan dadka danyarta ah iyo kuwa qaba xanuunada kala duwan ayaa deeqahaasi gaadhsiisay Cisbitaalada dhimirka iyo qaaxadda Hargeysa, waxaanay ka warantay noocyada ay gaadhsiisay Cisbitaalka qaaxada, waxaanay tidhi “Deeqdan kooban ee aanu ugu talo galnay Cisbitaalka qaaxada waxay ka mid tahay u adeegida bulshada inta nugul ee Madaxweynuhu amarka nagu siiyey in aanu masuul ka nahay u adeegidooda, waxa ay ahayd qorshihii aanu ugu talo galnay in aanu la wadaagno ciidul adxadii maalmo ka hor ahayd. Waxa aanu u sheegaynaa bulshada inta nugul in aanu idinka daahno mooyanee marna idima ilawno.”

Dhinaca kale wasiir Hinda waxa deeq isugu jirta dhar iyo raashin gaadhsiisay dhammaan bukaanka ku jira cisbitaalka dhimirka ee magaalada hargeysa ,hadal kooban oo ay ka jeedisay wareejinta deeqda ayey ku tidhi “halkan waxa yaalla sagaashan qof oo ku jira cisbitaalka dhimirka dharkoodii iyo raashin kuwaas oo isugu jir rag iyo dumar, doorkan adhi idinmaanu sidin oo xog uruurin aanu samaynay ayaanu ku ogaanay in xaggaa aad doorka ka ladan tihiin marka qaar kale oo walaaladiina oo u baahna ayaanu gaadhsiinay”

Marwo Hinda jaamac xirsi Gaani ayaa ilaahay uga bariday dadka in alle ka kor qaado dhibka haysta xanuunkana caafimaad ugu bedelo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply