Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka Hadlay Maleeshiyo Puntland ah oo Jidgooyo u Galay Badhasaabka Badhan

0
549

Ceerigaabo (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro,ayaa ka hadlay maleeshiyo Puntland ah oo jidgooyo u galay guddoomiyaha gobolka Badhan oo ku sii jeeday xarunta gobolka Badhan ee Badhan.

Waxaanu intaa ku daray ciidanka qaranka Somaliland inay maleeshiyaadka Puntland fashiliyeen jidgooyada ay u galeen badhasaabka Badhan, isla markaana qasaare ay gaadhsiiyeen halka ciidanka qaranka Somaliland na ay laba askari ka dhaawacmeen.

Waxaa kale oo uu sheegay in xaaladda nabad gelyo ee gobolka Sanaag ay aad u wanaagsna tahay, isla markaana  nabad gelyada deegaanka Ceel-afweyn-na ay gacanta ku hayaan.

Waxaanu yidhi guddoomiye Tiimbaro oo khadka taleefanka ugu warrmay wargayska Dawan isagoo ku sugan xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. “Waxaa Ceerigaabo nagaga tegay guddoomiyihii gobolka Badhan oo ku socday xarunta gobolka Badhan, waxaana jidgooyo u galay Maleeshiyaadka Puntland oo meel Badhan u dhaw u galay laakiin waxaa jidgooyadooda fashiliyay ciidanka qaranka oo waxyeelona gaadhsiiyay, ciidanka qaranka laba askari ayaa ka dhaawacmay,dhaawacoodana Ceerigaabo ayaa lagu soo wadaa imika(xalay).” ayuu yidhi Guddoomiye Tiimbaro.

Mar uu ka hadlayay xaaladda nabad gelyo ee gobolka Sanaag,ayuu yidhi. “xaaladda gobolka Sanaag waa nabad gelyo deegaanka Ceel-afweyna imika qaylo kama jirto waxaana ku sugan ciidamadii qaranka oo ku kala dhex jira,waxaanan u soo jeedinayaa bulshada gobolka nabad iyo wada noolaansho ayaynu qayrkeen ku gaadhi karnaa colaad iyo dilna dadka ayaynu kaga haydhaan ee aynu nabad gelyada wada illaashano.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply