Guddida Qandaraasyada oo Shaaciyay Shirkada ku Guulaysatay Dayactirka Biriishyada Magaalada Burco

0
775

Burco (Dawan) Guddoomiyaha guddida qandaraasyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaca ka qaaday shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dayactirka labad Biriish ee magaaladda Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.

Guddoomiye Nuux waxaa uu sheegay in shirkadda ku guuleysatay dayactirka labadaasi Biriish ay tahay shirkadda dhismaha ee Hirad.

Gudoomiyaha gudida qandaraasyadda Qaranka mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa faah-faahin ka bixiyay tiradda shirkaddaha tartanka u galay dayactirka iyo dib u habeynta Biriishyadda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxaanu yidhi “Qandaraasyadda Qaranka anoo afkooda ku hadlaya waxaanu u mahad celineynaa madaxweynaha Qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi, oo amray in si deg degga ay ugu dhisaan cidii ay khuseyso labada Biriish ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, dayactirka labada Biriish ee Burco waxa u soo tartamay shan shirkadood, midi wey soo habsaantay laakiin afar shirkadood ayaa soo tartamay, Meecaad Constraction Company, Muuq-dheer Constraction Company, Hirad Constraction Company, Haboon Constraction Company iyo Guuleed Contraction Company, waxaana ku guuleystay dayactirka labada Biriish ee magaalada Burco Hirad Constraction Company”

“Waan ku faraxsanahay in aan ku guuleysano dayactirka Biriishyadda magaalada Burco, markii horeba gacanta ayaanu ku heynay dhismahooda biriishyadda magaalada Burco”Ayuu yidhi In. Faarax Xuseen gudoomiyaha shirkadda dhismaha ee Hiradd.

Duqa degmadda Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lacag dhan shan boqol oo dollar u qoondeeyay dhismaha iyo dayactirka labada Biriish ee magaalada Burco, halkan ayaana saaka lagu bixinaya cabashadii aad ka qabteen Biriishyadda magaaladana saaka ayaa la soo afjaraya”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply