Hrgaysa: Xildhibaan Waddani Ku Dhaliilay In Ay Ka Baxeen Heshiiskii Xisbiyadda

0
473

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa ka hadlay go’aankii uu golaha Wakiiladu ku daadafeeyeen heshiiskii saddexda xisbi ku gaadheen in la kordhiyo tirada guddiga doorashooyinka qaranka.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland oo shalay weriyeyaasha kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in aanay haboonayn in xisbiyada mucaaridku ka cawdaan go’aankaa golaha Wakiiladu ku laalay mooshinkii ahaa in la kordhiyo xubnaha guddiga doorashooyinka.

Kuwaasoo imika tiradoodu tahay todoba xubnood, balse saddexda xisbi qaran ay dhawaan ku heshiiyeen in lagu kordhiyo laba xubnood si ay tiradoodu u noqoto sagaal, taasoo ahayd dalab ka yimid xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Doorashada golaha Wakiilada caqabado ayaa hortaagnaa in muddo ah. Laakiin, imika waxaa la soo gaadhay marxaladii ugu danbaysay.

Waxaanay saddexda xisbi siyaasadeed ku heshiiyeen in komishanka doorashooyinka tiradiisa la kordhiyo. Mooshinkaas ku aadan in la kordhiyo tirada komishanka doorashooyinka ayaa la hor keenay dhawaan golaha Wakiilada, golaha ayaanay u taalay in ay go’aan ka gaadhaan mooshinkaasi”.

“Markii mooshinkaasi golaha la keenay sidii uu sheegay la taliyihii sharciga ee golaha Wakiiladu xeerkii doorashooyinka ayaa golaha Wakiilada yaala, markaa xeer hoosaadku wuxuu odhanayaa, haddii waxa lagaa hadlayaa golaha yaalo, Mooshin lama keeni karo.

Golaha Wakiiladu-na go’aan ayuu ka gaadhay, oo wuu deedifeeyay mooshinkaasi. In xisbiyadda qaarkood ay ka cawdaan-na ma aha”ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire.

Geesta kale xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, waxa uu sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku deg degay in uu ka baxo heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran ee ku saabsanaa qabsoomida doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo degaanka.

Waxaanu yidhi “Xisbiga Waddani wuu ku deg degay go’aanka uu qaatay ee ah in ay ka baxayaan heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran. Waxaana loo baahan yahay in xisbiga Waddani hormood u noqdo in doorashada golaha Wakiilada qabsoonto.

Ma aha in uu marwalba noqdo xisbiga Waddani cida caqabadaha doorashada u dhigaysa. Waxaan qabaa in ay ku haboon tahay sidii Somaliland ku soo caano maashay Saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda in la isku tanaasulo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply