Madaxweynaha DDS oo Shaaciyay Qodobbo ay kaga Dayanayaan Somaliland

0
528

Jig-jiga (Dawan):- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), ayaa sharraxay saddex qodob oo ay kaga dayanayaan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland ay kaga horrayso dalalka qaaradda Afrika.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo madaxtooyadda deegaanka ku qaabilay, islamarkaana qado sharaf ugu sameeyay xubno dhallinyaro ah oo ka socday dalladda jaamacaddaha Somaliland, ayaa kulankaa ka sheegay arrimo ay Somaliland kaga horrayso dalal badan oo qaarada Afrika ah, isla markaana ay kaga dayanayaan oo ay ka barteen Somaliland.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay walaalaha Somaliland in aad halkan noogu timaadaan in xidhiidhka noocan ahi uu sii xoogeysto ayaanu jecelnahay, deegaankan waxaa soo maray dhibaato fara badan hase ahaate hadda waxaa aanu ku jirnaa marxalad aanu ka soo kabaneyno, waxaanan wadnaa is dhexgal bulsho oo dhan walba ah, Somaliland waxaa aanu tusaale uga qaadaneyna Demuquraadiyadda iyo nabadgeliyada in hal meel lagu sii daro, inta badan fikirka jira waxaa weeye intaada badan fikikrka jira waxaa weeye cadaadis maadaama Soomaalidu ay tahay dad qabyaalada u nugul, hadii aan la cadaadin oo aan gacan bira lagu qaban in aanay dadku dawladnimada u hogaansami karin, hase ahaate Somaliland waxaanu kaga dayan doona in ay Demuquraadiyadiina ay ka jirto, xoriyadtul qawlkiina ay ka jirto, nabadgeliyadiina ay ka jirto, saddexdiiba taasi lafteeduna ay tahay cashar wanaagsan oo aanu ka baraneyno nabadgeliyada iyo wanaaguna sidiisii ahaado waanad mahadsan tihiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply