Hoggaamiye Waa Inuu TUSAALE Lagu Deydo Noqdo

0
453

Shalay salaadii Jimcaha waxaa masaajidka Ibraahim-Dheere (Ex 26 June) shacabka kula tukaday Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin la socday, oo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, markii salaadii la tukaday ayaa Imaamkii masaajidku Sheekh Almis, bulshada u sheegay inuu masaajidka kula sugan yahay Madaxweyne Mudane Muuse, ka dibna wacdi kooban oo dardaaran iyo ducco ah ayuu jeediyey Sheek Almis, intaa dabadeed waan ka soo baxay.

Maqalka Madaxweynaha JSL Mudane Muuse inuu masaajidka kula tukaday waxay maskaxdooda ku xardhamaanaysaa boqolaalkii kun ee masaajidka ku tukaday, taariikh ay xusuustaana maskaxdooda siyaalo kala duwan ugu saamayn doontaa, qofkasta oo maqlaana si gaar ah u fasirto, haddaba, annigoo goobjoog u ahaa dhacdadan shalay, wallow aanay ahayn markii koowaad ee Madaxweynaha JSL, kuwii ka horeeyey ama Madaxweyne-xigeenka JSL kula tukadaan masaajidada, waxaan u holladay inaan mowduucan u soo qaato muhiimada hogaamiyaha iyo miqyaaska islaamka u dhigay, ummaduna ka filayso.

Muxaarado Sheekh Mustafe kaga hadlayey mowduuca Hogaaminta ayuu ku sheegay in sifaha ugu horreeya ee qofku hogaamiye ku noqdo inay tahay TUSAALE lagu deydo inuu noqdo, mar uu sharaxayey sifaha hogaamiye waxuu yidhi, “Hogaamintu waa inaad hawl si fiican u qabatid, halka maamulku yahay inaad waxa fiican qabatid. Isla markaana, kala duwanaanshaha hogaaminta iyo maamulka ayuu yidhi, “Waxa inaad si fiican u qabataa waxa lagu sii qeexi karaa qof hal-abuur leh matihid, waxa laguu dhiibay ayaad doonaysaa inaan ceebi kaaga iman, oo habaysid. Halka hogaamintu lagu sii fasiri karo inaad fursadaha ka faa’iidayso, maxaa fiican ee la qaban karaa, xagee loo socon karaa, maxaa lagu siyaadin karaa.

Sheekh Mustafe oo ka hadlayey buug uu qoray Barry Posner oo ka hadla hogaaminta ayuu ku sheegay in baadhitaan lagu ogaaday sifooyinka ugu horreeya ee lagu qiimeeyo, hogaamiyaha, ka mid yihiin,

  1. Daacadnimmo 2. Qof Aragti leh 3. Qof Dhiirigelin leh. 4. Hawlkar ah. 5. Maskax badan.

Hadaad doonaysid inaad noqoto qof hogaamiyennimadiisa ummadu aqbasho waa inaad ku sifowdo ayuu yidhi Sheekh Mustafe Run-sheegnnimo iyo Amaanno.

Hogaamiyahu saddex shay ayey ku xidhan tahay siduu u isticmaalo hogaamintiisu, ta koowaad waa Qancinta, (way kala duwan tahay qofka inaad amar siiso iyo inaad qanciso), tusaalenna u soo qaatay qisso kooban oo Nebi Maxamed CSW ku qanciyey nin codsadday in SINNADA loo fasaxo.

Hogaamiye, dawlad ama shirkad waxa ay isku difaacdaa waa laba shay, labadaa shay hadday sax yihiin way is-difaaci kartaa, hadii kale way ku adkaanaysaa. Waxa ugu weyn ee la isku difaacaa waa SHARCIYAD (qofku inaanu meesha boob ku qaadan ee sifo ah sharci ku yimi, ta labaadna waa WAXQABAD.

Dhinaca kale madax waxay adeegsato oo dad ku qanciso ama hogaanku wax ku maamulo, saddexda shay ee ugu qiimo badan waa QANCIN, ABAALMARIN iyo CIQAAB.

Nebi Maxamed CSW oo saxaabadiisa la hadlayey ayaa yidhi ma idiin sheegaa madaxdiina kuwa ugu fiican ee mudankiina ah iyo kuwa idiinku liita, haa ayey saxaabadii ku tidhi, markaa ayuu nebigu CSW yidhi, ‘Kuwa idiinku fiican waa kuwa idinkuna jeceshihiin, iyaguna idin jecel. Kuwa ugu sharka badan waa kuwa iyaguna idin neceb, idinkuna neceb tihiin’.

Diinteenu waa u nasteexo madax, iyo raciyad, loona baahan yahay qof kastoo islaam ah inuu walaalkiisa kale la garab-istaago.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply