Xukuumadda oo ka Hadashay Kulan ay La Yeelay Madaxda Dalka Sucuudiga

0
507

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku wehelinaayey Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka warramay kulan ay la yeesheen Wasiirka Afrika u qaabilsan Dawladda Sucuudi Carabiya.

Wasiir Kaahin waxa uu sheegay inay Wasiirka Afrika u qaabilsan dawladda Sucuudiga ay ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha Badda Cas, waxasna uu yidhi “Waxaanu la kulanay Wasiirka Dawladda (Sucuudiga) ee Qaabilsan Afrika, Weftiga oo isku dhan ayuu na qaabilay, Waxaanu ka wada-hadalnay mowqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee mandaqadda illaa Badda Cas iyo Khaliijka, Gacanka Cadmeed (Gulf Of Aden), mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay, kuwii hore ee dawladdaha Carbeed ku kala qaybsameen inaynu innagu (Somaliland) halkeedii hore taagan tahay.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha ay ka wada shaqaynayaan Somaliland iyo Sucuudigu “Waxaanu isla soo qaadnay inaynu ka wada shaqayno Nabadgalyada Mandaqadda, gaar ahaan inta aanu Mandaqadda Madlaca iskala nahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas inta aynu kaga beegan nahay, hadday tahay Budh-Cad Badeeda, hadday tahay Dadka la Tahriibinayo, hadday tahay Kalluumaysiga Sharci-darrada ah ee Badaheena ka dhaca, arrimahaas oo dhan baanu ka sheekaysanay.” ayuu yidhi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply