Guddiga Dhaqaalaha Qaranka Somaliland oo Kormeer Shaqo Ku Soo Maray Burco iyo Berbera

0
539

Berbera (Dawan): Wefti wasiirro ah oo ka socday xukuumadda Somaliland oo labadii safar shaqo ku maraya goboladda Togdheer iyo Saaxil ayaa soo kormeeray goobaha wax soo saarka iyo ilaha dhaqaalaha.

Weftigan wasiirrada oo ah guddiga dhaqaalaha qaranka Somaliland oo doraad gaadhay magaaladda Burco ayaa kulamo la yeeshay ganacsatadda gobolka Togdheer, iyadoo ay soo kormeereen wershadda soo saarta Saabuunta iyo sidoo kale mashruuca wax soo saarka Beer.

Wasiirradani waxaa xubno ka ah wasiirka Maaliyadda, wasiirka ganacsiga, wasiirka Beeraha, wasiirka isgaadhsiinta, wasiirka maalgashiga, gaadiidka, wasiirka xanaanadda xoolaha, wasiir ku-xigeenka qorshaynta iyo guddoomiyaha baanka dhexe iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Waxaana weftigan wasiirrada ah hogaaminaya wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanay kulan xog waraysi ah la yeesheen ganacsatadda gobolka Togdheer iyo xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Burco, oo u sheegay wasiirrada waxyaabaha ay xukuumadda dhexe ka tabanayaan iyo baahiyaha uu gobolku qabo.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in ay baahi weyn bulshadda Burco u qabaan garoonka diyaaradaha oo ka dalbadeen in la furo iyo sidoo kale wadooyin u baahan in xukuumadu ku dedaasho sidii loo dhisi lahaa.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa qodobadii shirka lagaga wada hadlay warbaahinta faahfaahin ka siiyay xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo ka tirsan golaha degaanka Burco, isla markaana kulan ka qayb galay.

Waxaanu sheegay in mudadii ay xukuumaddu taladda haysay mashaariicdii ug badnaa laga fuliyay gobolka Togdheer, waxaanu yidhi “Intii ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi jiray, mashaariicdii ugu badnayd ayaa laga fuliyay gobolka Togdheer. Waan u mahad naqayaa dhamaanba wasiirrada gaar ahaana wasiirka maaliyadda, oo ka soo jeedda gobolkan Togdheer”.

Sidoo kale xubno u hadlay ganacsatadda Togdheer ayaa wasiirrada ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay u dhegaysteen tabashadoodda iyo baahiyaha ay qabaan in xukuumadu wax ka qabato.

Geesta kale weftigan wasiirrada ah intii ay ku sugnaayeen Burco waxay booqdeen mashruuca wax-soo-saarka ee degaanka Beer iyo wershadda soo saarista Saabuunaha ee Ilays.

Waxaanay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee wershadda Ilays, iyadoo halkaa uu warbixin ku siiyay guddoomiyaha wershadaasi Nuur Ducaale, waxaanu weftiga u sharaxay baahiyaha ay qabaan.

Waxaanu yidhi “Wershadan Saabuunta ee Ilays waxaa la bilaabay sanadkii 2004-tii. Waxaanay maanta maraysaa in ay soo saarto noocyadda kala duwan ee Saabuunaha. Waxaanu wax-soo-saarkeedu gaadhaa dalkoo dhan iyo dhamaanba dalalka Somaliland la deriska ah.

Baahiyaha aan qabno, oo ay ka mid tahay tartanka badeecadaha dibadda laga keeno, siyaasadda ganacsiga ee wadamadda jaarka ah. waxay soo arkeen shaqaalaha ka shaqaynaya oo 150 qof ka badan”.

Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in u jeedadda socdaalkooda oo uu ku tilmaamay in ay tahay sidii ay u soo qiimayn lahaayeen meelaha ilaha dhaqaalaha.

“Waxaanu nahay guddigii dhaqaalaha ee qaranka Somaliland. Tiradaa intaa le’eg waxaa isa soo raaciyay, waxay tahay dawladu waxay muhiimadda siinaysaa, ilaha dhaqaale siday u socdaan iyo wixii laga qaban karo.

Waayo? Ilaha dhaqaaluhu wadan ma kobci karo, haddii aanay ilihiisa dhaqaaluhu si fiican u socon. Waan is waraysanay, wixii dhibaato ah ee ay qabeena way noo soo gudbiyeen, wixii aan ka qaban karno, waanu ka qabanaynaa”ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Wasiirradani waxa kaloo ay soo kormeereen mashruuca beer oo ka yaalla meel u dhaw Burco. Badhasaabka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo wasiirrada uga warbixiyay muhiimadda mashruuca Beer, waxa uu yidhi “Mashruucan Beer, oo ay xukuumadu gelisay tacab weyn, intii u horaysay ayaynu maanta guranaynaa”.

Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed, ayaa isna xubnaha weftiga wasiirrada uga warbixiyay mashruucani Beer iyo tacabka ay geliyeen. Waxaanu sheegay in la sameeyay Kinaalo ay ka caawisay hay’adda FOA oo biyo waraab ah lagu siinayo beerahaas.

Dhinaca kale weftigan wasiirrada ah ayaa markii ay ka soo laabteen Burco waxay shalay soo gaadheen magaaladda Berbera, halkaasoo ay soo kormeereen goobaha wax soo saarka ilaha dhaqaalaha Berbera.

Meelahaasi oo ay ka mid ahaayeen dekadda Berbera oo ay weftigu soo indho indheeyeen hab sami u socodka hawlaha shaqo ee ka socday.

Wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire, oo kadib kormeerkaasi warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedadda socdaalkoodu la xidhiidho sidii u soo qiimayn lahaayeen goobaha ilaha dhaqaale ee dalka, gaar ahaana goboladda Saaxil iyo Togdheer.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply