Madaxweynaha oo Amar kasoo Saaray Khatarta Xadhkaha Laydhka Boodhadhka Waddooyinka iyo Biyo Mareenada La Degay

0
544

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ka soo saaray shirkadaha laydhka, boodhadhka lagu dhejiyo waddooyinka magaalada iyo goobaha biyo mareenada ah ee ay dadku degeen, kadib markii uu ku sababeeyey waxyaabaha khasaaraha ku keena bulshada xilli roobaadka

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in boodhadhka biraha adag ka samaysan ee laga taago waddooyinka iyo cidhiidhiga goobaha biyo mareenadu ay sabab u yihiin waxyeelada bulshada soo gaadha xilliyada roobabka, waxaanu yidhi “Dhibaato weyn waxa Magaalada u geystay meelihii Biyuhu marayeen oo Cidhiidhi la geliyey iyo Boodhadhka Xayeysiiska ee faraha badan oo laga sameeyay Biro culculus, kuwaasi oo aan si aan adkayn dhulka loogu qotomiyey.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in shirkadaha laydhka oo nidaamka xadhkaha laydhka iyo biraha ay ka taageen magaalada ay qayb ka yihiin waxyeelada bulshada xilli roobaadka waxana uu yidhi “Waxa Iyana dhibaato kale ah xadhkaha laydhka iyo shirkadahooda, waxaas oo dhan dib habayn ayaa lagu samayn doona.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu amar ku siiyey ha’yaddaha dawladda in ay talaabo adag ka qaadaan shirkadaha laydhka. Shirkadaha sameeya boodhadhka wax lagu xayeysiiyo iyo dadka xidhay goobaha biyo mareenada ah, waxaanu yidhi “Waxa aan ku amrayaa ha’yaddaha, wasaaraddaha iyo ciidamda ku shaqada leh in ay talaabo adag oo nabadgelyo ka qaadan shirkadaha dabka gudbiya sida ay u gudbiyaan inuu ammaan yahay iyo shirkadaha xayeysiiska ee biraha cul-culus waddooyinka ka taagay.”

Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa amar ku siiyey dawladda hoose iyo wasaaradda hawlaha guud in ay xal ka keenaan biyaha roobka ee magaaloyinka dalka dhibaatada ku haya, waxaanu yidhi “Dawladda hoose iyo wasaaradda hawlaha guud waa in ay xal u helaan biyaha magaalada oo mar kasta dhibaato ka dhacayso, Hargeysa oo qudha maaha magaalo walbana waa caynkaas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply