WEEDHA WARGEYSKA Gari Alley Taqaan, Gardarrana Waa Layska Qabtaa

0
53

Waxa la arki jiray markay xaajo adkaato ee warmaha iyo seefaha laysku afeysto ee hadalladana si tag-taagan laysku dhaafsado, in dadka ehlu caqliga ahi taliyaan oo ay ku baaqaan, in wax kasta dhulka la dhigo oo geedka hoostiisa inta la keeno xaajada laysku maan-dhaafay, dabadeed inta xeer beegti loo saaro ay halkaa ku gorfeeyaan oo ka gar-naqaan iyagoo aan dhinacna garabka saareyn.

Horaa loo yidhi, [GARI ALLEY TAQAANE] Xeer beegtidu iyagoo EEBBE mooyee aan cid kale ka baqaneyn, isla markaana ka dhaarsan gar-eexo, ayaa markay dhegeystaan dhinacyada xaajadu dhex-taal, ayey go’aamiyaan wixii ALLAHA WEYNI ku ogyahay oo ay ku kala xukumaan dhinacyadii wax ka dhexeeyeen, iyagoo go’aankoodana gacanta iyo afkaba uga dhiiba Madax-dhaqameedka, si uu mid kastaaba u fuliyo dhinaciisa wixii ka khuseeya.

Go’aanka ka soo baxa xeer-beegtada cid allaale ciddii ka hortimaad, dhinac ayaa laga wada noqon jiray, laguna sandulleyn jiray inuu gar qaato, sidaa ayaa lagu soo dhaqmi jiray waayihii hore ee ay dadka ka fogeyd dawladnimadu, taas oo lagaga baaqsaday colaado joogsan waayey oo ay dad badani u dhinteen col, abaar iyo gaajaba, waxana lagu gaadhay nabad iyo wada noolaansho derisku biyaha ku wada cabbaan.

Geesta kale haddaan ka eegno, Dawladnimaduna kama duwana, kamana foga taa aan soo xusnay ee waayihii hore oo waa iyadii oo la yara casriyeeyey oo la nidaamiyey, loona dejiyey nidaamyo, xeerar iyo shuruuc kala duwan oo lagu kala hago bulsho kasta oo degaan iyo xuduudo cayiman oo u gaar ah ku wada nool, waxayna u sameysteen nidaamyadaa, si ay ugu maareeyaan dhinac kasta oo ka mid ah noloshooda xag kasta oo ay ugu horreyso nabaddu. 

Haddaba maanta, waxa reer Somaliland Dawlad iyo shicib ba mashquuliyey muddo laba sannadood ah colaado soo noqnoqday oo dhexmaray laba dhinac oo ku wada nool Degaannada Ceel Afweyn ee Bariga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay Xukuumaddii hore iyo tan hadda xilka haysaaba ka galeen dadaalo fara badan oo ku saabsanaa soo af-jaridda colaadda Ceel Afweyn.

Arrintaas waxa ay dhooqawday oo ay xadhig-maran noqotay, kadib markuu Sarkaal ka tirsan Ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la yidhaa Caarre kala goostay Ciidanka koox uu ku duufsaday magac qabiil oo ay isku jees yihiin, kuwaas oo uu ula baxsaday xagga cadowga JSL ee Puntland oo siiyey saldhig uu kaga soo duulo dadkiisa.

Muddadii ay Caarre iyo kooxda uu wataa ku sugnaayeen gudaha Puntland, waxa ay ka sameeyeen gudaha Somaliland weerarro gaadmo ah oo ay ku dileen dad isugu jira shicib iyo Ciidanba, sidoo kale waxa uu Sarkaalkani si fool ka fool ah ula kulmay Madaxweyne Farmaajo waqti uu ku sugnaa Maamul-goboleedka Puntland, iyadoo uu ku bogaadiyey Caarre hawsha uu ka wado Somaliland.

Dhibaatooyin kale oo faro badan oo dhinacyo badan leh ayuu Sarkaalkaasi u geystay Qaranka, kuwaas oo uu ku dhaawacay sharaftii Ciidanka Qaranka, tii Qaranka iyo guud ahaan tii shacbiga reer Somaliland isagoo ku beer-laxawsanaya magac qabiil, si uu ugu daboolo dembiyadiisa, ugana dhex shido fidno qabiil. Qorshahaa si uu u fuliyo waxa uu Caarre isku soo dhex-tuuray gudaha Somaliland, waxanu si gaar ah dabada u geliyey degaannada beeshiisa, isagoo geesta kalena u sheegay Duqeyda inaanu wadin dagaal, balse uu u yimid in laga wada hadlo arrintiisa.

Xaqiiqada marka lagu wada hadlo waxba ma xumaadaan, haseyeeshee waxa wax aad u xun ah marka runta loo sheegi waayo cidda qalloocan, waxana ka sii darran oo wax lala xishoodo ah in weliba gardarradii iyo qalloociiba lagu gar iyo garaba siiyo kii waday ee kula soo dhex galgashay shacbiga dhexdiisa, si birta layskaga aslo oo dabadeedna uu halkaa ku baaba’aan dembiyadii uu geystay oo dhami.

Bal haddaba aan isweydiinee, miyey maanta ahayd in nin ku eedeysan dembiile Qaran oo xataa jiritaankeena dhaawacay, isla markaana gummaaday dad shicib ah isagoo ahaa Sarkaal u dhaartay inuu difaacayo dadkiisa iyo dalkiisa, inaan haddana dhexdeena kaga murano oo u kala safano laba dhinac, mid leh waa geesi ee car waa cidda taabata iyo dhinac kale oo isna taagan waa nin ku eedeysan dembiile Qaran ee waa in la mariyaa sharciga?

Waxa caddaan ah oo aan muran iyo mad-madow midna lahayn, in Sarkaalku ku kacay falal dhan ka ah shuruucda Ciidanka, kuwa Qaranka iyo kuwa bani’aadanimoba, haseahaatee dhan-xiiro xagga siyaasadda ah iyo kuwa kale oo wata dano gaar ahaaneed, ayaa sii xoojinaya reernimada uu doonayo Sarkaalku inuu kaga dhuunto eedaha uu galay ee loo haysto.

Sidaa awgeed, waxa loo lagama maarmaan ah, waajibna ku ah qof kasta oo mas’uul ah oo weliba muslin ah, inuu kala sooco xaqa iyo baadilka oo xataa hadduu wiilkiisu gardarro wado aan isna hor-boodin, balse uu ka qabto oo ku yidhaa,[ ka joog waar ,waad gardarran tahaye ] sidaa ciddii yeeli weyda, if iyo aakhiro midna meel kuma leh, balaayadaa uu horkacayana kama badbaadayo, markay sidaa tahay caqliga fayoobi xagga wanaagsan ayuu ku taliyaaye aan qabano Caarre hadduu gardarro geystay welina, haddii lagaga gardarran yahayna aan u hiilino. …………………..WAA BILLAAHI TAWFIIQ………………………….. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here