Mareeyaha Hay’adda Waddooyinka Oo Soo Xidhay Tababar ku Saabsan Sahaminta

0
543

Hargaysa (Dawan)- Mareeyaha Wakaladda Wadooyinka Somaliland Axmed Yusuf Maxamed ayaa maanta/shalay tababar lagaga hadlayay habka Nashqadaynta Wadooyinka dalka usoo xidhay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda Wadooyinka.

Tababarkan oo ay fulinaysay Hay’adda Care International oo muddo toban cisho ah u socday Shaqaalaha Wakaaladda Wadooyinka Magaalada Hargaysa ayaa waxa lagu baranayay hanaanka sida loo qaado samaynta sarfaynka Wadooyinka.

Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Somaliland Axmed Yusuf Maxamed oo xidhitaankii tababarakan hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ahmiyada uu tababarkani uu lahaa ay tahay sidii wax looga badali lahaa habkii ay u shaqayn jirtay Wakaaladda Wadooyinka.waxaana uu yidhi“Waxa aan ku faraxsanahay in uu noo soo xidhmo tababarkani kaas oo aad ka faaiidaysateen mudadii uu socday waxaana korna ugu qaadno dhismayaasha iyo wadooyinka dalka oo aynu ka fikirno,waxaana aan filayaa in wixii laga bartay mudadii uu socday tababarkani laga faa,iidaystay oo siday tahay loo hirgalin doono ayna noqon doonto mid ka cusub kii aynu hore ugu shaqayn jirnay”.

Aniisa Ismaaciil Kaahin oo ka socotay Hay,ada Care International oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa sheegtay in tababarkan lagu baranayay mudadii uu socday habka loo qaadayo sarfaynka wadooyinka la dhisayo.waxaana ay tidhi“Tababarkan oo ay fulinaysay Hay,adda Care International waxa uu ku sahabsanaa kulankani oo lagu tababarayay sida loo maamulo marka Wadooyinka la dhisayo iyo habka loo qaadayo sarfaynka marka ay wadooyinku cusub yihiin,waxaana aad ugu faraxsanahay hablaha kulankan ka soo qayb galay waxaana mashruuca soo saarayaa oo lagu tababarayaa 24 hablood,”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Dayactirka Wadooyinka ee Wakaaladda Wadooyinka Axmed Maxamuud Cabdi ayaa waxa uu sheegay in tabarkan lagu baranayay mudadii uu socday hab maamulka samaynta Wadooyinka.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply