Suldaanka Guud ee Somaliland iyo Madaxdhaqameed Farriin Adag u Diray Cidkasta oo lid ku ah Nabadgelyada Dalka

0
1302

Hargaysa (Dawan):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo madaxdhaqameedka koonfurta Hargeysa, ayaa digniin adag u diray cidkasta oo lid ku ah qarannimada Somaliland iyo nabad gelyada dalka.

Waxaanay madaxdhaqameedku intaa ku dareen in ay diyaar u yihiin difaaca qaranka Somaliland, isla markaana aanay aqbalayn in Somaliland la kala qaad qaado oo dadka colaad iyo qabyaalad lagu kala kexeeyo.

Waxaa kale oo ay soo dhaweeyeen, isla markaana ay caddeeyeen in ay diyaar u yihiin waxkasta oo Somaliland horumarkeeda ah in ay ka qayb qaataan.

Salaadiin iyo cuqaal uu hormuud u ahaa Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa intaa raaciyay in ay Somaliland ay wada illaashanayaan, laakiin aanay kala illaashanayn.

Ugu horrayn Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi. “Nabadgelyada marka aad ballanqaadayso waa in aad xadhkaheeda iyo hubkeeda u samaysataa, annagu kuma raacsanin in dagaal la qaado laakiin wixii wax qabada diyaar ayaanu cid walba ula nahay Somaliland waan jiranaynaa ee kala jiran mayno, Somaliland in ay mid inoo noqoto ayaa loo baahanyahay, Madaxweynahana waxaan leeyahay dalku waa mide adigu mid iskaga dhig.”

Suldaan Aadan Faarax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay garabtaagan yihiin Xukuumadda Somaliland, isla markaana aan loo baahnayn in dalka la dumiyo. waxaanu yidhi “Waxaanu wax la leenahay ummadda Somaliland oo dhan, dawladdu waa dawladdayadii, cid aanu u dabo taagannahay ma jirto, in hablihii darxumada qaxoontinimada la galay qurbaha lacag lagaga soo gurto oo la yidhaahdo reer hebel ayaa layna yidhaahdaa magaca Garxajis muu ahayn mid dalka lagu dumiyo ee mid lagu soo hirto ayuu ahaa.”

Waxaa kale oo kulankaa ka hadlay cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa oo dhammaantood caddeeyay in qaranka Somaliland ay u taagan yihiin difaaciisa, isla markaana dawladda iyo cidkasta oo waxgarad ahba ay kala shaqaynayaan nabad gelyada, cidna aanay ugu dulqaadanayn in ay magacooda dalka khalkhal ku geliso.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply