Caaqil Sanweyne oo ka Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay Madaxdhaqameed Beeshiisa ah

0
562

Hargeysa (Dawan):- Caaqil Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan(Caaqil Cabdiqaadir Sanweyne),ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xubno ka mid ah madaxdhaqameedka Beeshiisa oo hadalo gef ku ah midnimada dadka iyo jiritaanka qarannimada Somaliland ah ka yidhi Warbaahinta.

Caaqil Cabdiqaadir Sanweyne oo xalay qoraal uu soo saaray soo gaadhsiiyay Xarunta Wargeyska Dawan,ayaa sheegay hadalka madaxdaqameedka ka soo yeedhay in uu yahay mid iyaga keli ku ah isla markaana aanay kula socon cid kale kuna metelin Beesha ay magaceeda huwanyihiin.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in beesha magaceeda iyo milgaheeda midna aanay ahayn hadalka ay ku hadleen madaxdhaqameedka uu u jawaabay.

Qoraalka uu soo saaray caaqilku oo dhammaystiranina wuxu u dhignaa sidan. “Horta madaxdhaqameedka Beesha ah ee hadlay waay ku gafeen qarannimada iyo milgaha dawladnimada,markay yidhaahdeen Madaxweyne ma jiro waxay ku gafeen qarannimada sababtoo ah Madaxweynuhu waa astaanka qaranka cid kasta oo dafirta mansabta madaxweynuhuna wuxuu ku gefay qarannimada,waxaa kale oo ay iclaamiyeen fawdo iyo dagaal iyo colaad dalka iyo dadkaba dhibaato ku ah,taasina maaha wax ay cid ku metelaan oo beeshu kula socoto, waxaanan u caddaynayaa cid kasta oo hadalkaa dhibsatay in anu ahayn hadal ay madaxdhaqameedkaasi wakiil nagaga yihiin,waxaanu u taaganahay in aanu difaacno qarannimada Somaliland hadh iyo habeenba mana jirto meel beeshu isugu timi oo ay isku raacday in ay qarannimada wax u dhinto cidkasta oo qarannimada cadaw ku ahna waxaanu diyaar u nahay in aanu ka difaacno,waxaan intaa ku darayaa in aanaan aqbalayn in magaca beesha laga dhigto wax maalinba dhan cidi u isticmaasho waxa keliya ee aad madaxdhaqameed noogu tihiin waa wixii Somaliland isku haynaya wax kala kaxaynaya cid kasta oo la timaadana iyaga ayuu gaar u yahay.

Ugu dambayn waxaan soo jeedinayaa wixii tabasho ah ee jira waxaa habboon in wadada sharciga loo maro waxkasta oo sharciga baal marsan beel ahaan ayaan u diiddanahay oo aanu uga soo horjeedkaa waxkastana waxaa ka wayn qarannimada Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply