Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska oo ka Hadlay Heerka Tacliinta Dalka iyo Higsiga Waxbarashada Qaranka

0
555

“Buugaagta ardayda loo qaybiyay ee Madaxweynuhu amray waxay qayb wayn ka qaateen horumarka Tacliinta”

 

“Waddan hore uma maro illaa uu dadkiisa farsamada gacanta Baro” Wasiirka waxbarashada waraysi gaar ah

 

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aaden, ayaa sheegay in waxbarashada Somaliland oo heerar kala duwan soo martay in ay hadda marayso halkii ugu wanaagsanayd, marka loo eego duruufaha ay ka soo gudubtay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay waxbarashada ardayda iyo macalimiinta wax baraysaba ay horumarkooda wax barid iyo barashaba ay qayb wayn uga qaadatay buugaagta manhakja qaranka ee Madaxweynaha Somaliland ugu deeqay dhammaan ardayda dugsiyada iyo madaclimiintaba, taas oo meesha ka saartay in ardaygu uu dhigto cashar aanu buuggiisa haysan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida Imtixaanaadka qaranku ay u yihiin ammaan ee aanay Somaliland uga dhicin fashilaad badan oo ku dhacday Imtixaanada dalal badan oo aynu deris nahay oo imtixaankoodu intuu suuqa galo dib loo baabiiyay, isla markaana mid kale oo deg deg ah la soo jaaba jaabeeyay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aaden, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu Xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn wasiir Cismaan oo ka hadlayay heerka waxbarashada Somaliland ay marayso, ayaa yidhi. “Heerar kala duwan ayay waxbarashada Somaliland soo martay. Dalka markii aynu dib ula soo noqonay waxaynu waxbarashada ka bilawnay meel aan waxba jirin, tusaale ahaan maanta Jaamacadda Hargeysa waxaa ka qalin jabiyay oo loo debbaal geday 800 oo ayday iyo dheeraad, halka markii la bilaabay ay ka qalin jabiyeen boqol iyo wax la mid ah, markaa waxaad arkaysaa siday waxbarashadeenu u korayso.

Dugsiyada sare, kuwa sdhexe iyo hoose ee dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaan ayaa iyaguna dedaal badan ku jira, maanta waxaa dalkeena wax u baranaya oo arday ah dad gaadhaya rubuc malyuun oo maanta dalka wax u barata. Sideedabana waxbarasho horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay macalimiinta dhigaysa iyo heerkooda aqooneed, muddooyinkii hore aad ayay u yaraayeen macalimiin tababaran oo ubadka wax u dhiga, laakiin imika waxaa la furay kuliyaddii tababarka macalimiinta oo ay innooga soo baxayaan macalimiin aqoon leh oo u tababaran waxbarsita ardayda iyo barbaarintoodaba, waxaanay noqon doonaan macalimiin u tababaran waxbarashada dugsiyada sare iyo dugsiyada hoose, taasina waxay qayb wayn ka qaadanaysaa in waxbarashadeenu horumar ballaadhan ay samayso. Marka aanu soo saarno macalinkii loo baahnaa ee ardaygu u baahnaa in uu wax ka barto.

Waxaa kale oo Somaliland guul u ah mudadaa ay jirtay xafiiska Imtixaanaadka qaranku wuxuu muujiyay dedaal iyo karti uu kaga hor maray dalalka deriska oo dhan, hal mar Somaliland kamay dhicin in Imtixaan intuu fashilmo in uu suuqa qalo, innagoo ogsoon in dalalka deriska ah in ay arrintaasi marar badan ka dhacday. Waana masuuliyad qaran oo la gutay xilna la iska saaray.

Waxaa kale oo dalku uu helaa deeqo waxbarasho oo heerka koobaad iyo heerka labaad ee jaamacadda ah, waxaana ugu badan dalalka Ina siiya deeqahaas waxbarasho dalka Itoobiya oo aan aad ugaga mahad naqayno, sannadkan deeqdii waxbarasho ee ay noo soo direenna imika ayaan qaybinteedii wadnaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay waxa uga qorshaysan ka wasaarad ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, ayaa ku jawaabay. “Waddan hore uma maro illaa uu dadkiisa farsamada gacanta la baro, waxaana naga go’an in dalka ay u soo baxaan arday ka soo baxda dugsiyada Farsamada Gacanta, waxaa la dhammaystirayaa dugsiga Farsamada gacanta ee Hargeysa iyo kii Burco, waxaana naga go’an in horta lixda gobol ee waawayn in laga hirgeliyo dugsiyo farsamada gacanta ah, maanta aqoonta illaa heer jaamacadeed ayaynu samaysanay, laakiin waxaa innaga maqan ee innaga dhimani waa dugsiyadii farsamda gacanta oo laf dhabar u ah horumarka umadi ku tallaabsato, waxaanay ka mid tahay oo ay kow ka tahay tallaabooyinka ka wasaarad ahaan iyo ka xukuumad ahaan ba noo qorshaysan.”

Wasiirka oo la waydiiyay madaariista diiniga ahi in ay hoos yimaadaan wasaaradda waxbarashada iyo in kale, ayaa yidhi. “Dalka waxbarashadiisa, malcaamad illaa jaamacad waxaa uga masuul ah wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, waxaana lagu dhaqayaa xeerka waxbarashada qaranka, laakiin cidi way naga gacansiin kartaa ama naga caawin kartaa sidaanu u gudan lahayn shaqadayada waxbarasho, laakiin hadday madaariis tahay, hadday malcaamado tahay iyo hadday isguul iyo jaamacd tahay ba waxbarashada qaranka wasaaraddan ayaa uga masuul ah oo ay shaqadeedii tahay.”

Wasiir Cismaan oo la waydiiyay maaddo waddaniyadda lagu baranayo oo lagu soo kordhiyay manhajka qaranka, ayaa yidhi. “Way jirtaa oo waxaa qorshe wayn wada wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, kaas oo ah in dadka oo dhan lagu baro dastuurka Somaliland, markaa ka wasaarad ahaan way nagu casuumeen waxaanan isla garanay in fasalada 7-illaa 8-aad lagu bilaabo barashada dastuurka ka dibna dugsiyada sare loo gudbo oo lagu qaato afartiisa fasalba dastuurka qaranka.”

Waxaa kale oo uu wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uu ammaanay doorka waalidku kaga jiro dhiiri gelinta waxbarashada Somaliland iyo kaalinta muuqata ee qurba joogga reer Somaliland ay ku leeyihiin horumarka waxbarashada waxaanu ku dardaaray waalidiinta in ay markasta ku xidhnaadaan dugsiyada waxbarashada ee ubadku u dhugto.

 

Leave a Reply