Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Daaweynta Xoolaha Dalka

0
464
SONY DSC

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka laga fulin doono daaweyn iyo tallaal dhinaca xoolaha.

Kulan lagaga dhawaaqay daah furka tallaalka iyo dawaynta Xoolaha dalka ah, ayaa waxa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah isu duweyaasha gobolada dalka iyo kooxihii caafimaadka ee hawl-galkaas dawaynta iyo tallaalka xoolaha ah fulin lahaa.

Axmed Haybe Warsame agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaaradda ayaa sheegay in daawayntan loo samaynayo xoolaha Somaliland ay tahay mid xiligan loo baahnaa.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada noolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Cali Xuseen Nuur oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in daawayntani ay tahay xannuunada fud-fud ee ku dhaca xoolaha Somaliland, agaasimuhu waxa uu sheegay in wasaaradda xannuunada waawayn ee xoolaha ku dhaca ay ka tallaalaan.

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinya kalluumaysiga Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa kooxaha hawl-galladaas dawaynta ah u samayn doona xoolaha Somaliland kula dardaarmay inay xil iska saaraan hawshaas oo ah mid muhiimad u leh guud ahaan xoolaha Somaliland waxaanu yidhi “Maadama aynu naf nool daweynayno masuuliyadeeda in aynu qaadno oo iska ururino ayaa leynooga baahan yahay, waana Mayeedhaan waxaa aynu daweyneynaa hadii dad la daweynlaha waay qaylinlahaayeen oo ama saaka leyma mudin ayuu odhanlahaa, ama kiniinkii leyma liqsiin ama dhakhtarkii ima soo marin, hase ahaate waa Mayeedhaan oo innaga ayuu xilkiisi inna saaran yahay, inaynu iska reebno oo aan waxba leynoo raacin, waana nolosheeni waana wixii aynu ku fadhiney, waana wixii aynu u shaqaaleysneyd”

“Kooxo ayaa gelaya ee waa in ay noqdaan dhakhaatiir u tababaran, qof aan tababarneynina ka qayb gali maayo shaqadan daawada iyo tallaalka xoolaha gobolkastaana inuu isku filaado oo shaqaale tababaran oo aqoontii leh uu yeesho ayaanu ku tallo galeynaa” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga mudane Xasan Gaafaadhi

 

 

 

Leave a Reply