Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo ka Hadlay Xaalladda Isguulka

0
31
SONY DSC

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guuleed Yuusuf Iidaan maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar,ayaa ka hadlay xaaladda dugsiga iyo qoysas dhex deggan isla markaana farriim u diray wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu ka codsaday in ay ka rarto qoysaska dhex deggan isguulka.

Waxaa kale oo uu ka codsaday ka codsaday madaxweynaha Somaliland in uu soo booqdo dugsiga oo uu sheegay in dayac badani ka muuqdo oo aan wax dib u habayn ah aan lagu samayn muddo badan.

Guuleed Yuusuf Iidaan maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar ugu horreyn isaga oo arrimahaa si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Siyaasadda waxbarashada Qaranka waxaa gadhwadeen u ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi maadaama aanu wax aan boqol tallaabo aheyn aanu u jirno in uu mar na soo booqdo si uu u arko xaalada uu ku sugan yahay dugsiga sare ee Faarax Oomaar waanu ka codsanaynaa waayo? booqashadiisu wax badan ayay noo tareysaa, Markii iskuulka leysoo badelay saddex boqol iyo saddex arday ayaa ku jiray, tirada fasalada ee dugsiga ku jirayna waxaa ay ahaayeen 5-fasal, waana dugsigii ugu horeeyay ee laga aasaaso dib u xoreyntii dalka haddii aanu Faarax Oomaar jirina Somaliland lama xoreeyeen, hadii aan ardaydii u horreysay u dhiman dalka lamana xoreeyeen Somalilandna halkan mey soo gaadheen, sanadkii 1969-kii markii la dhisay illaa hadda wax dayactir ah oo lagu sameeyay ma jiro iskuulka, 35-daaqadood ayaa burbursan Albaabada iskuulka oo dhammi dhammaan way wada jajaban yihiin, sida iskuuladda kale wax Marmara oo dugsigani lahaa ma jirin, Sabuuraddaha ardayda wax loogu dhigo dayac fara badan ayaa ka muuqday, intaasi oo dhanba waxaa ka daran iskuulkii magacaas lahaa ee la odhan karo waa Aabbaha Somaliland waxaa dhexdiisa degan imika 19-qoys waxaana ku jira macalimiintii waaweyneyd ee dalka oo u baahan daryeel iyo in meel kale la geeyo, sidaasi marka ay tahay dugsiga Faarax Oomaar waxaa uu wasaaradda u jira boqol mitir wax ka yar, mudo 21-sanadood ah in ka badan ayay qoysaskaasi dhex deggan yihiin iskuulka, anaga oo ugu tallo galney in aanu iskuulka beerano, in aanu garoon kubadda carruurtu ku ciyaaraan ka sameysano xaga danbe, laakiin duruufuhu waxaa weeye illaa xaafadahan meesha laga raro oo meel loo sameeyo waxba lama qaban karo, Geedna lama beeri karo waayo xaafad kastaaba Riyo ayay ku dhex heysata iskuulka”

Guuleed isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaa raaciyay in ay isaga iyo macalimiinta iyo ardayduba in ay go’aan ku gaadheen in wixii ay qabsan karayaan aanay cidna ka sugin “Sidaasi oo ay tahay waxaa aanu anaga iyo macalimiinta iyo ardaydu ku tashaney, in aanu wax-qabadkayaga koowaad ka bilowno in aanu Marmar dhigno, xafiiska dugsiga wajahada hore iskuulkana aanu Marmar dhigano, qaybta labaad oo ah ardaydii dugsigan ka baxday oo dhiirigalin faro badan ii sameysay oo aan halkan uga mahad celinayo iina sheegay in wax badan laga qaban karo caqabadaha ku gedaaman dugsigan, Whats Up Group ayay sameeyeen meel fiican ayay wax marayaan, sida in daaqadaha iskuulka dib u habeyn lagu sameeyo, lacag dhan 15-kun oo dollar ayay iyagu masuuliyadeeda qaateen in ILLAAHEY ku soo astuuro ayaanu ugu duceyneynaa, qaybta saddexaadna waxaa aanu ugu talo galney Hay’addaha, ganacsatada iyo dadka kale ee ugu dhaw iskuulka, laba qolo oo kaliya ayaanu imika wax ka heyna Dallada Sonyo oo qalabkii xafiiska oo dhameystiran keeneysa iyo agaasimaha wasaaradda maaliyada oo wixii agabka casriga ah ee Finger Printerka ee ardayda lagu xaadirinayo dhabarka u ritay, iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanadka oo naga aqbalay in xafiiska labaad ee macalimiinta dugsiga wax ka dhiga inuu noo qalabeeyo, dhab ahaana ardaydii iskuulka ayaa ka dheereeyay wasaaraddi oo aanay aheyn inay ka dheereyso”

Maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxaa uu soo jeediyay si geedi socodkii waxbarasho ee ubadka dugsigaasi loo sii wado in wax laga qabto caqabadaha jira waxaanu yidhi “Dayrka iskuulkani waa mid gaaban oo ardaydii lama xakameyn karayo hadii aan Dayrka dugsiga la hagaajin, haddaan albaabka iskuulka laga badelin waxba ma hagaajin kareyno oo ardaydii lama joojin karayo, haddaan dadka dhexyaala laga rarin beerna ma sameysan kareyno garoonna ma hagaajisan kareyno, wasaaradda ayaaney u taallaa sidii ay dadkan uga rarilaheyd iyo sidii ay meel u geyn laheyd, dedaalo kala duwan ayaan sameeyay mudadii aan joogey dad badana waan la xidhiidhay oo aan kala hadlay sidii ay hawlaha iskuulka wax iigala qaban lahaayeen, ardayda aan iskuulkan ugu imid waa kuwa u heellan in wax loo sheego lana toosiyo”

“Laba shay ayaa ka maqan iskuuladda dawladda labadaasi hadii lagu darana waa ay horumarayaan, waa lahaanshiyaha in maamulaha iskuulka la keenaa waa in uu aamino in uu dugsigani isagu leeyahay oo waxa uu qabanaya ay noqoto wax isaga ka go’an, iyo ka labaad oo ah in ardaygii la xakameeyo hadday noqoto xagii dhaqankii, akhlaaqadii wixii loo diray inuu ka soo shaqeeyay laga eego, imtixaanaadkiisi, waayo waxaa aanu heysana fursado badan oo aanay heysan kuwa gaarka loo leeyahay, sida laababkii ay ardaydu wax ku baranayeen kuna akhrisanayeen iyo waxbarashadii bilaashka aheyd oo ay dawladdu nala garab taagan tahay oo aanu maamuluhu is odhanin berri ayaa lagaa bedelayaa ee ka shaqeyso ama maxaa kaa galey, ta kale wasaaradda waxbarashadu iyada ayaa ka masuul ah iskuulada dawladda ee waa in ay xil iska saarta dhisitaanka iyo dib u habeynta iskuuladda dawladda, waa in ay ka shaqeysa ka warheyntooda iyo wax walba oo looga baahan yahay, marka maamulayaasha dugsiyadu hadii ay doorkooda qaataan wasaaradduna ay doorkeeda qadato in wax waliba way hagaagayaan”Ayuu yidhi Guuleed Yuusuf Iidaan maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar

Maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Faarax Oomaar Xamse Xasan Siciid ayaa isna dhiniciisa ka hadlay xiisada dheeriya oo ardayda loo galo subaxa hore waxaanu yidhi.

Waxaanu intaa ku daray isagoo ardayda la hadlaya . “Waxaa inoo bilaabmi doona xiisadihii aanu gali jirnay xiisada kallahaada kadib, saaka 6:30 ayaynu galay xiisad dheeriya, Jadwalkiini lixda xiisadood ee soo kalahaada maanta(shalay) ayaanu idiin dhajineyna, ardaygana waxaa looga baahan yahay sidii inoo caadada aheyd ee quruxda iyo nidaamka idinka muuqda in direyskiina aad sidaasi ugu timaadaan wakhtigii leydinla balameyna aad ku timaadaan, waxaa muhiima in macalinkii leydiin soo kalihiyay aad wakhtigiisi u timaaadaan”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here