Maxaa Qorshe Innooga Yaal Isbeddelka Cimillada Dunida

0
455

Waxa si ballaadhan looga dareemay dunida guudkeeda  oo dhan sida dhakhsaha badan ee ay isku beddeshay Cimilada adduunku, taas oo durba hordhaceedii uu siyaabo kala duwan u taabtay dacallada dunida. Masiibooyinka ka dhashay isbeddelka Cimillada dunida, waxa ka mid ah in meelaha keymaleyda ama cawsleyda ah uu dab ka kaco heer kulka oo meel sare gaadhay awgeed, kaas oo galaafta dad badan noloshooda iyo degaankoodaba.

Sidoo kale waxa uu sababaa dabkaas inuu shuf ka dhigo meel kasta oo uu gaadho sida magaalooyinka, Wershadaha, Beeraha iyo dhammaan wax allaale wixii xayawaan iyo xamaartaba lahaa ee ku noolaa keymahaas ama dHulka bananka ah ee cawska badani ka baxo. Intaa waxa ka sii darran in degaannadii uu dabku ka kacay iyo kuwa kaleba  uu sare usii kaco heer-kulka kuleylku, waayo waxa meesha ka baxay keymihii soo deyn jiray maalintii  Oksajiinta  oo ah mida uu nolol ahaan  ugu baahida badan yahay bani’aadanku.

Dalalka uu muddooyinkan dembe dabku ka kacay keymaha dalalkooda waxa ka mid ah Mareylanka, gaar ahaa Gobolka Folorida, dalalka Yurub intooda badan, Kanada, Ustareeliya iyo Ruushka oo dhawaan uu dab ka kacay dhulka cawsku ku badan yahay ee loo yaqaan Saybeeriya, waxana ugu dembeeyey oo illaa haddda ay meelaha qaar weli sii qiiqayaan keymaleyda ugu weyn dunida ee loo yaqaan Amazon ee dalka Baraasiil oo weliba sida la sheegay si toos ah loo gubay, si looga helo dhul bannaan oo maalgashi lagu sameeyo.

Gubista Keymaha Amazon-ka ayaa si aad ah dunida badankeedu uga xumaatay, maadaama ay keymahaasi ahaayeen kuwa 25%  ku lahaa dejinta heer-kulka dunida, taas oo sida la saadaaliyey sii labanlaabay khatarta kale ee hadda taagan oo ah in buurleyda dacalka  Koonfureed ee dunida ku taal oo ah halka uu Eebbe ugu talo galay inay qaboojiso degaanka bad iyo berriba, ay muddooyinka dembe buurihii barafka ahaa qeybo badani dhalaaleen, kuna darsameen biyaha badda.

Xaaladdan dembe ee buurleyda barafka ee sannadba ka kasii dembeeya uu sii kordhayo dhalaalkoodu, taas oo sababtay inay biyaha baddu ka sare maraan heerkoodii hore, geesta kalena bataan roobab dabeylo iyo duufaano xooggan wata, kuwaas oo iyana burburiyey Jasiirado ku kala yaal dacallada badaha waaweyn ee dunida oo ay ugu dembeeyeen Jasiiradaha Bahamas ee ku yaal badweynta Baasifiga oo dadkii ka badbaaday duufaannadii haleelay illaa hadda loo la’yahay meel la dejiyo.

Haddaba, xaaladda cimilo ee dunida oo maanta maraysaa xaaladahaa aan kor idiinku soo tilmaamay, maxaan kaga gaashaaman karnaa ee innala gudboon inta ay goori goor tahay? Dalal ka mida dunida oo ay ka mid yihiin kuwa Afrika, ayaa iyagu ku dhaqaaqay sidii ay uga hortegi lahaayeen aafooyinka ka dhallan kara isbeddelka Cimillada adduunka oo lagu tilmaamay inuu meel halis ah marayo.

Tusaale ahaan, dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa uu sannadkan qaaday olole wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka kaga iman kara xagga isbeddelka Cimillada ee dunida soo wajahday, iyagoo sameeyey qorshe dhammeystirran oo dhir beeris ah.

Si taa looga midho dhalliyo, waxa ay madaxda dalkaas oo uu u horreeyo Ra’iisal Wasaarahoodu horkaceen ololaha u horreeyey ee loo  qoondeeyey ee  dhir beerista oo aanay u kala hadhin shaqaalihii  dawladda, Ciidammadii iyo dhammaan xoogsatada kale ee dalkaasi, taas oo ay ku guuleysteen inay    noqdaan dalka kaalinta kowaad ka galay xagga beerista dhirta ee dunida oo dhan, kadib markay beereen laba bilyan oo geed. Dalka Indiya oo  hore u haysatay kaalinta kowaad oo beertay sideed boqol oo mIlyan oo geed ayaa hoos usoo degtay oo  gashay kaalinta  labaad.

Haddaba innaga oo ka war hayna sida aan u gumaadnay dhirteenii oo maanta ay bannaan cad yihiin dhulka keymaha badnaa. Isla markaana degaannadeenii uu sare u sii kacayo heer-lkulka, waxa waajib innagu ah inaan fadhigan ka kacno oo aan u dhaqaaqno sidii aan u hiigsan lahayn ugu yaraan kuwa aan deriska la nahay oo aan qaadno tallaabooyinka ay qaadeen oo kale.

Arrintaas sida ugu fudud ee ay ku hirgeli kartaa, waa iyadoo la dejiyo qorshe marka hore lagu bilaabo Gobollada dalka oo la xidhiidha dhinaca dhir beerista, isla markaana tartan dhir beeris ah  la geliyo magaalooyinka waaweyn ee dalka, hawshaa bilowgeedana horseed looga dhigo Caasimadda dalka ee Hargeysa. Maalinta la qaadayo ololahaas dhammaan shaqaalaha dawladda waa la fasaxayaa, meheradaha oo dhanna waa la xidhayaa, si hawshu u dhib yaraatana maalina jaho ayaa laga wadayaa dhir beerista, sidaa ayaan ka gaashaaman karnaa dhibaatooyinka innagaga iman kara xagga isbeddelka Cimillada adduunka.     

 

Leave a Reply