Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Digay In Aanay Doorashadu Abuurin Cawaaqib Xumo Siyaasiya

0
476

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somalilad mudane Maxamed Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka digay  in aanay doorasho dalka ka dhacaysaa   aanay abuurin cawaaqib xumo siyaasiya.

Sidoo kale waxaa uu siyaasiyiinta iyo musharixiinta xisbiyaddaba ugu baaqay in doorashada ay gellayaan ay ahaato mid ay ka madhan tahay aafadda Qabyaaladdu.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed ugu horeyn waxaa uu digay in aanay noqonin doorashadu mid abuurta cawaaqib xumo siyaasiya waxaanu yidhi “Doorashooyinka soo socoda waa tii tobaad, doorasho madaxtooyo oo dhacda tii shalay ugumey horreyn ee waa laga horeeyo, KULMIYE waxaa uu ku tanaasulay 80-cod marka waxaa aynu u baanahay in aanay cawaaqib xumo siyaasiya abuurin, intaynu doorasho gallo oo doorashada cod dhaco oo qof waliba fartiisa qof ula gallo, yaanay cawaaqib xumo siyaasiya oo dalka nabadgeliyadiisa iyo midnimadiisa, wadajirkiisa, iyo wadajoogeena waxyeela waa in aanay noqonin”

Sidoo kale wasiir Kaahin waxaa uu siyaasiyiinta iyo musharixiinta xisbiyaddaba ugu baaqay in doorashada ay gallayaan ay ahaato mid ay ka madhan tahay aafadda Qabyaaladda waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Nin waliba siyaasada ayuu u soo tafaxaytay bulshada horteeda ayaa la doonayaa in cod lagaga hello waxaa aynu dooneyna marka hab-dhaqankeena siyaasiga ah marka koobaad inuu ka baxo Qabyaalada, in xisbiyadu si siman iyo garoon siman oo ay u dhan yihiin, inay tartanka siyaasiga ah ku gallaan waaneynu, ku gala oo garoon siyaasiya oo aanay asxaabtu kuwada hadlin ooney wada saxeexin oo la yidhaaho ‘Xeerka Anshaxa’ oo aanay wada saxeexin midna ma jiro”

 

Leave a Reply