Xukuumadda oo Qalinka ku Duugtay Heshiis lagu Horumarinayo Kheyraadka Dalka

0
460

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa qalinka ku duugtay heshiis lagu horumarinayo, islamarkaana lagu  ilaaliyo Baddaha Somaliland, kaasi oo ay la gashay shirkado iyo ganacsato ka soo jeeda wadanka Sweden.

Waxaa heshiiskani si wada jira qalinka ugu duugay wasiiradda wasaaraddaha deegaanka iyo Kalluumeysiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi, kaasi oo ogolaanaya in boqolkiiba shan iyo sodon la xidho kheyraadka dalka ee Bad iyo Bariba.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ugu horreyn faahfaahisay nuxurka heshiiskani iyo halka uu salka ku hayo waxaaney tidhi  “Waxaa aanu halkan ku saxeexaynaa mashruuc weyn oo balaadhan, mashruucaasi oo ah mid ka turjumaya Badda Somaliland.

Badda Somaliland waa Badd qaaliya waa mid ILLAAHEY inagu maneystay kheyraadka ILLAAHEY inoogu deeqay ayay ka mid tahay, kheyraadkaasi ILLAAHEY ina-siiyay ilaalintiisa ayaanu u xilsaaranahay, markaad dhinac ka eegto Somaliland oo dhan ayaa u xilsaaran, aduunyadda oo dhan ayaa u xilsaaran, waxaana sigaara ugu sii xilsaaran labadayada wasaaradood ee maanta halkan isugu yimid, midina ay ka shaqeyso kheyraadka guud midina Kalluumeysiga, mashruucan ubucdiisu waa sidii loo illaalin lahaa Baddeena weyn, mashruucani afarta bilood soo socday marxalado kala duwan ayuu soo maray, ninka halkan fadhiya ee Swedes-ka ah ayaa ka mida raga ka soo shaqeeyay hirgalinta mashruucani, waa mashruuc weyn oo mustaqbal inoo leh, waana mid aanu saddex goobood ku bilaabi doono INSHA ALLAH, saddexdaasi oo kala ah, Jasiiradda Sacaada-diin, Horsho oo iyadduna bariga Berbera ah, iyo Maydh oo Rabshiga ah, intaasiba waxaa ay hoos iman doonaan mashruucaasi hadii ILLAAHEY yidhaaho, iyo dhulka kale ee Somaliland leedahay oo mashruucani uu ku fidi doono, waxaanu koobsan doona shaqaale fara badan, kheyraad badan waa laga heli doona hadii ILLAAHEY yidhaaho mustaqbalka waala furayaa, waxaanu u furnaan doona Kalluumeysatadeena”

Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in mashruucani yahay mid lagu ilaalinayo Badqabka Baddaha Somaliland waxaanu yidhi  “Waa mashruuc lagu illaalinayo Baddeena iyadda oo maanta Baddu tahay nolosha kaliya ee aynu hubno iyo mustaqbalka waddankeena iyo dhaqaalaheena, Badda ayaa la illaalin doonaa, hadii ILLAAHEY yidhaaho ilaa boqolkiiba shan iyo sodon marka la eego dhererkeeda, dhulkaasi waxaa ay kaliya u furnaan doonaan Kalluumeysatadda reer Somaliland waxaaney ka caagan tahay wax alllaale wixii Kalluumeysato Ajaanabiya, waxaaney noqoneysaa dhul aynu Kalluunkeena ku tarmino iyo nolosha iyo deegaanka uu Kalluunku ku nool yahay, fayadiisa iyo deegaan ahaana loo illaaliyo loogana illaaliyo wasakhda iyo wixii dhibaato u keenaya nolosha Badda”

“Mudo afar bilood ayuu soo socday mashruucani waxaananu maanta saxeexayna iclaam ku saabsan ilaalinta goobaha mucayinka ah iyo dhulkaasi camiyan ee cabirkiisa la sheegay, waxaanu aniga iyo wasiirka deegaanku halkan diyaar ugu nahay saxeexida mashruucani” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Sakariye Xasan Waceys safiirka Somaliland ee dalka Sweden oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dhab ahaanti mashruucani waxaa uu noqonaya mid Qarankeena iyo dalkeena iyo guud ahaan duurjoogteen ha ahaato mid Baddeeda ama Deegaanba wax weyn ka tari doona, waxaanu heli doona dad badan oo daneynaya ilaalinta deegaankeena, iyo in dhaqaalihiisa la bixiyo in Kalluunkeena la dhawro ayaa mashruucani ku saabsan yahay”

 

 

Leave a Reply