Cajiib, Munaasabadda Tamaandhada !

0
573

Dalka Chile waxa sanad kasta lagu qabtaa munaabad madaadalo iyo qosol loogu talo galay oo lagu magacaabo dagaalka tamaandhada. Dagaalkan qosolka iyo maadayska looga jeedo ayaa dadka ka soo qayb galaan ay isku shiidaan Tamaandhada bislaatay ee midabka casaanka ah.

Waxa kale oo intaasi dheer in marka dhulku casaado oo Tamaandho wada noqdo a ku dhex legdamaan dadka ka qayb qaadanaya munaasabadda shiidka Tamaandhada.

Waxase aad u cajiib ah in Tamaandhada halkaasi lagu khasaariya ay noqto sanadkii 50 Ton  oo dhiganta  5000 KG. Halka dunida qaybo kalena baahi u qabaan isticmaalkeeda, dadka munaasabadan ka qayb gala ayaa u badan dabaqadaha noloshoodu fiican tahay kuwaasi oo baahi u qaba qosolka iyo maadda, iyo weliba in midabkoodu isku bedelo Tamaandho.

Leave a Reply