Jumeera Jasiirad Caan Ka Noqotay Dunida!

0
442

Jasiiradda Jumeraha waxay ka mid tahay jasiiradaha ugu weyn, dhamaan jasiiradaha gacanta lagu sameeyo. Waxay caan ku noqotay iyadoo dhismaheedu la bilaablamay sanadkii 2001 oo xaukuumadda dalkaasi beeridda Timirta aad u waday, muuqaal ahaana waxa ay shabahdaa geedka Timirta waana sida ay magaca kula baxday.

Intaasika dib dhulka Jasiiradda waxa ku soo qulqulay dad fara badan tan iyosanadkii 2006. Waxaana ay laga sameeyay dhismayaal kala duwan oo aad u qurux badan.

Jasiiraddan ayaa wakhtigan noqotay goob loo dalxiis tago laguna raaxaysto, waxaana ay leeday waddo tareen oo dhererkeedu gaadhayo 5.4 km, kaasi oo isku xidha Jasiiradan iyo Dubayda weyn. Dhismaha Jasiiradda ayaa badankeeda laga maalgeliyey dakhliga ka soo xerooda shidaalka ee Dubai. Waxaana ay wakhtigan ka mid tahay goobaha loogu dalxiis badan yahay dunida

Leave a Reply