Madaxweynaha Somaliland oo soo Dhamaystay Safarkiisi Shaqo iyo Waxyaabaha u soo Qabsoomay

0
439

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo hoggaaminayo, ayaa shalay ku soo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay, kaas oo ay kusoo mareen qaar kamid ah gobollada Somaliland.

Madaxweynaha oo safar shaqo kusoo maray gobollada galbeedka ee Gabiley iyo Awdal iyo qaar kamid ah gobollada bariga dalka oo ay kamid yihiin Saaxil iyo Togdheer, ayaa farxadda kala qaybgalay Ardayda sannadkan ka qalinjebiyey jaamacadaha dawladda ee gobolladaas ka dhisan, isaga oo mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay kormeeray, halka iyo dhagax-dhig iyo xadhig-ka jaris ku sameeyey mashaariic kale oo bulshada waxtar u leh.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shirar kala duwan la galay madaxda xukuumadda u qaabilsan gobollada uu booqday, isaga oo u kuurgalay mashaariicda kala duwan ee dawladdu hirgelisay iyo adeegyada bulshada loo qabto.

Shacabka kala duwan ee ku dhaqan deegaannada uu madaxweynuhu booqday, ayaa si ballaadhan madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, iyaga oo isugu soo baxay jidadka waaweyn, waxana ay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Isniintii dorraad kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xadhigga ka jaray.

Mashaariicda uu kormeeray Madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ahaa xarunta dawladda hoose ee Burco oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeeray mashaariic horumarineed oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.

Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera, isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.”

Leave a Reply