Fiditaanka Islaamka ee Dalalka Geeska Afrika

0
67

Qore Abdi Aziz Khalaf

 

 

Hordhac:

Waa Qormo taariikheed oo si faahfaahsan u xusisa sida islaamku ku soo gaadhay deegaanka geeska Afrika iyo waxyaabaha ka qayb qaatay, taasoo xooga saaraysa ka miin guurida xogta tixraayada taariikhiga (References ) si hufana u moojinaysa sida ay uga duwanaa fiditaanka islaamka deegaankani meelaha kale ee Afrika ee islaamku gaahday. Sidoo kale qormadan taariikheed waa dadaal bar bilaw ah una baahan wixii kubcin iyo dheeraad ah si loo helo qoraalo afka Soomaliga kaga hadlaya talaabooyinkii diinteena suuban ee ugu horaysay ee dhulkeenan.

Qormadan waxa ay ka koobantahay :

  1. Hordhac taariikeed.
  2. Astaamaha islaamka u gaadhka ah ee ka qayb qaatay fiditaanka islaamka.

III. Arimaha ka yimid dibada qaaradda ee fududeeyey fiditaanka islaamka .

  1. Raadka uu ku yeeshay fiditaanka islaamka hirdanka diineed iyo siyaasadeed ee geeska afrika ka dhacay.

Waxa halakan ku xusayaa in qurmaddan ay ahay kuuras taariikheed aan u diyaariyey ardayda Jaamcadda Hargeysa (afka carabiga ku baxaysay) muddo ku siman shan sanno oo aan jeclaystay in uu ka faaidaysto akhristaha afka soomaliga ku hadlaa si aqoonto u baahdo sidoo kale ay dhamaan dadka taariikhda xiiseeyaana ay ka faaidaysato.

Cutobka 1aad Xidhiidhka Taariikheed ee Geeska afrika iyo barrigga carbeed ka hor islaamka:

Labadan deegaan ee geeska afrika iyo barrigga carbeed (Yaman iyo Xijaaz) waxa ay lahaayeen xidhiidh taariikheed oo aad u qota dheer kaas oo la sheego in oo ku sinaa muddo kur u dhaaftay sadex kun oo sanadood, iyadoo ay qoraaladdi xidhiidhkaa xusay ay ku siman yihiin kun sano ka hor dhalshadii nabi ciise (NKH) taasina layaab ma ahayn sababtoo ah :

1- Labad deegaan oo aad isku dhawaa

Waxa geeska africka iyo deegaanadaasi carbeed u dhexeeya badda cas iyo gacanka cadmeed oo meelaha gaadhkood isku jira in ka yar 30 km (marinka baabu Mandab), taasina waxa ay fududaysay isku qudubka dadka labada dhinac.Sidoo kale waxa dabaylahha maasuuneed ee ka dhaca bada cadmeed ay fududaysay isku talawga doonyaha dhex goosha labadan deegaan (Dabaylahan ilaa wakhti xaadirka saamayn ayey ku leedahay dhaq dhaqaaga gancasi ee dekadaha geeska afrika).

2- Labada deegaan oo iska mid ah dhinca cimilo iyo oogo ahaan.

Waxa deegaanka geeska afrika ka koobanyahay dhul guban ah (dhul xeebeed) oo cimila kulul una dhaw cimiladda saharah sidoo kale waxa deegaanka carbeed gaadh ahaan yaman ay leedahay deegaan xeebeed kulul oo sahara ah.Waxa deegaanka gubanka ah ku xiga dhul ooga sare ah (plateau) oo cimila ahan ka qabaw dhulka gubanka ah una dhexeeya dhulka booralayda sare ee Ehtipian Hihglands iyo dhul xeebeedka aan hore u xusnay.Dhinaca kale waxa dhulaka xeebaha yaman loo yaqaan Tihaama ayaa waxa xiga dhul sare oo booralayda Yamaneed ah, sidoo kale waxa ay labadan deegaan ay ka simanyhiin booralaydda . Waxa taasi dheer in labadan deegaan ay ka simanyihiin dhinaca dalagyadda beeraha iyo farsamada beerista buuralaydaa oo ay ku caan yihiin labada deegaan( Ethiopia & Yemen) iyadoo la arki karo miraha bunka iyo dalagyo badan oo ay wadaagaan sida geedka qaadka.

3- Dadka ku nool deegamadan oo isku sinji ah.

Waxa ay culammadda dadka iyo isiradda ay ka soo jeedaan (anthropology) ay xusaan in qawmiyaddaha geeska afrika dega qaarkood sida Amxaaradda iyo tigrayga ay ka soo jeedaan samaatik oo ay isku sinji yihiin carabta gaar haan dadyawga ka soo jeeda yamantii hore,kuwaasi ay xusayaan taariikhyahanddii hore in ay qabiilka la odhan jiray “Jicsi” oo qabiil carabtii hore (reer Saba( ay u soo guureen deegaankan geeska afrika gaar ahaan dhinaca booralayda deegaanaddan wakhti ku siman heeladdi qarnigii shanaad (KDHNC) , waxa xusid mudan in farta afka ehtiobia ay ka soo jeedo fartii qabiilkan “Jicsiyiin” ee deegaamadan soo degay wakhtigaa an xusnay ahna fartii reer Saba iyo yamantii hore ay wax ku qori jireen. Sidoo kale waxa la haya raadad taariikheed oo xaqiijinaya guurida dadyawgan ay u soo guureen geeska afrika. Waxaana aan u sababeenayaa guuridan burburkii biya xihdheenkii Ma,rib ee nolosha deegaanka yamaneed waayahaa dhagaale badan iyo nolol wacan u keenay, iyadoo u keentay reer Saba ladnaansho iyo barwaaqo badan . Burburka biyo xidhiinka Ma,rib waxa keensaday in abaaro ku habsadaan iyo xaaluf deegaankaa sababayna gax iyo bara kac ay gaxeen reer Saba una gagxeen deegaanu fara badan oo ay ka mid ahayd deegankan geeska afrika , iyadoo dhacdadan ay ku xusantahay quraanka kariimka suuratu Saba:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here