“Dugsiyada Gaarka ahi Maaha Unug Mucaarad ee Haka Dhigina Goobo Siyaasadeed”

0
448

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan):-Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa si adag uga jawaabay hadallo dhawaan ka soo yeedhay dugsiyada gaarka loo leeyahay oo cabasho ka muujiyay Wasaarada Waxbarasshada.

Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in qiimayn lagu sameeyo heerka ay waxbarasho ee dugsiyada gaarka loo leeyahay uu yahay qorshe qaran oo dan u ah dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo ubadka wax labu barayoba isla markaana wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland cidna aanay cadaw ku ahayn cidna si gaar ah aanay uga eexanayn ama ugu eexanayn.

Waxaanu intaa raaciyay in ay jiraan dugsiyo gaar loo leeyahay oo diiddan in ay u hoggaansamaan amarka ka soo baxay wasaaradda ee lagu qiimaynayo heerka dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo ta ay sheeganayaan in ay isu dhigmaan iyo in kale.

Waxaanu u soo jeediyay mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay in ay sharciga u hoggaansamaan isla markaana aanay xarumaha waxbarasho ee ay masuulka ka yihiin aanay u rogin goobo siyaasadeed oo laga buuqo. “Waxa aad arkaysaa dugsiyada gaarka looleeyahay oo shir jaraa’id qabanaya oo kolba meel tegaya dugsiyada gaarka ahi maaha unug mucaarad oo Wasaarada Waxbarashada ka dhex dilaacay, waa dugsiyo waxbarasho waxaan odhan lahaa dugsiyadiina haka dhigina goobo siyaasadeed oo ha u bedalina,waxaanan leeyahay qaata go’aanka Xukuumadda ee la soo baxay Wasaarada Waxbarashada qaata waxaanay kala yihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay dugsiyo waxbarashada maal gashaday oo goobaha ay wax ku dhigaana u qalmaan dhibna aanay ku ahayn in ay u hoggaansamaan shuruucda Wasaarada Waxbarashadda ka soo baxay,cashuurtaa lagu soo rogayna aanay mashaakil iyo dhibna ku ahayn waxa kale oo jira dugsiyo ka ordaya in qiimayn lagu sameeyo ay ku waayayaan ruqsadii waxbarasho.”.

Afhayeen Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay oo yidhi“Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyadoo cidna aan xaqirayn cidna aan duudsiyayn oon fogaynayn waxay doonaysaa in qaranka wixii u dana ay ka shaqayso,waxaana jira dugsiyo mashaariico khayriya dalalka carabta ka soo qaata oo si gaara uga faa’iidaysta oo dhulkii dawladda deggan oo ka warwaraya haddii lays qiimeeyo in iyaguna wax badan ku waayayaan, Wasaaradda Waxbarashada dugsi dugsi ayay u hoos yimaadaan xuquuq doodana la duudsiyi maayo.”.

 

Leave a Reply