Xukuumadda Oo Joojisay Tababar Ku Saabsan Socdaalka Oo Hargaysa Lagu Qabanayay

0
394

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa joojisay tababar la xidhiidha arrimaha socdaalka oo shalay lagu qaban lahaa magaaladda Hargaysa.

Tababarkaasi oo ay sheegeen in ay ku qoonsadeen iyagoo u arkayay mid ka soo hor jeedda jiritaanka Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda barakaceyaasha iyo qoxoontiga ee Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa sababta ay tababarkaasi u joojiyeen ku tilmaamay in aanu meelna kaga jirin magaca Somaliland.

Tababarkaasi oo ay waday hay’adda IOM ayuu Cabdikariin Xinif, sheegay in macluumaadkii laga jeedinayay ay ahaayeen kuwo aanay gebi ahaanba jamhuuriyadda Somaliland meelna kaga jirin.

Waxaanu yidhi “Saaka (shalay) siminaarkaasi isaga oo soconaya, ayay igu soo wargeliyeen shaqaalihii xafiiskayga ka tegay. Waxaanay ii soo sheegeen in macluumaadka meesha lagu qaybiyay ay ahaayeen Soomaaliya, wax Somaliland ku saabsana kuma jirin.

Waxaan la hadlay hay’adda IOM oo tababarka waday, oo aan ku wargeliyay in ay halkaa ku joojiyaan tababarka, aanay xafiiskayga iigu yimaadaan, waanay ii yimaadeen.

Waxay isku deyeen in ay igu qanciyaan in ay qoraalka wax ka bedelayaan, laakiin umay suuroobin. Markii danbe waxaan ku qanciyay in ay tababarka halkaas ku joojiyaan”.

Guddoomiyaha hay’adda barakaceyaasha iyo qoxoontiga waxa kale oo uu sheegay in ay ka biyo-diideen kadib markii ay arkeen in aan casharadda tababarka lagu bixinayay aanay ku jirin meel qudha oo Somaliland magaceedu kaga qoran yahay.

“Waxaa meesha lagu qaybinayay warbixin (report) ka hadlaysay Soomaaliya, oo Somaliland-na qayb ka tahay Soomaaliya ayuu ahaa.

Gebi ahaanba casharadii tababarka laga jeedinayay kuma jirto meel qudha oo Somaliland ku qoran tahay. Meel ay kaga qoran tahay kelmadda Somaliland, kuma arkaysid, waxa ku qorani waa Soomaaliya” ayuu yidhi Cabdikariin Xinif, oo shalay la hadlay Bulsho TV.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Mana jirin markii ay warbixintan diyaarinayeen, waxaanu dareensanahay in iyagoo Xamar jooga ay diyaariyeen. Ama reer Soomaaliya u diyaariyeen.

Laakiin, anaga wax ay naga waydiiyeen iyo wax aanu ka og nahay iyo wax ay nagala socodsiiyeen, midnaba ma jirto”.

Dhinaca kale Cabdikariin Xinif, waxa uu sheegay in tallaabadan ay ku joojiyeen tababarkaasi ay ka turjumayso go’aankii laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee la xidhiidhay in hay’aduhu ay wax ka bedelaan hanaanka ay Somaliland ula dhaqmayaan.

Waxaanu yidhi “Waxaa jirtay, in shirarkii golaha wasiirrada Somaliland ee u danbeeyay mid ka mida, in go’aan lagu soo saaray hay’aduhu siday ula dhaqmayaan Somaliland iyo waxyaabaha ay isticmaalayaan.

Tanina waa jebin cadaan ah. Inkasta oo aanaan anagu cadayn karin hay’adaha ma gaadhay, mise ma gaadhin go’aankaasi”.

Leave a Reply