Isu-Duwaha Ciyaaraha Sanaag oo Shaaciyey Tartan Orod ah oo lagu Qabanayo Ceerigaabo

0
467

Ceerigaabo (Dawan)- Isu-duwaha Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag Cabdi Ismaaciil Guuleed ayaa sheegay in gobolka Sanaag gaar ahaana magaalada Ceerigaabo uu ka bilaabmayo tartan dhinaca orodka ah oo uu maalgalinayo telefishanka caalamiga ah ee HCTV.

Waxaanu Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Sanaag uu intaasi u daray in tartankaasi odordka uu barbar socon doono koob Wasaarada Ciyaaraha ee Somaliland ay u qabanayso naadiyada ka dhisan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceeirgaabo.

Isagoo sidoo kale Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag, Mr Cabdi Ismaaciil uu ugu horayn u mahadceliyey masuuliyiinta telefishanka HCTV, kaas oo ku amaanay dedaalada horumarineed ee dhinaca dhalinyarada ee HCTV uu ka wado gobolada Somaliland.

Mudane Cabdi Ismaacii, Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha Gobolka Sanaag oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Maanta waxa aanu halkan u taaganahay inaanu ku wargalino dhamaan kooxaha gobolka Sanaag ka dhisan, kooxaha heerka 1aad ee degmada Ceerigaabo in loo qaban doono tartan ay isku arki doonaan oo ka dhici doona Garoonka kubadda Cagta ee Daallo Stadium bishan 23-keeda, inta ka horaysana ay soo diyaargaroobaan diiwaangalintii iyo liiskii inay keenaan.

Marka intaa laga yimaado tartanka Kubadda cagta waxa raaca Orod 5KM ah iyo Basketball loo qabanayo iyagana shan kooxood, markaan faahfaahiyo Orodka oo kale waxa aan aad ugu mahadcelinayaa Mulkiilaha Telefishanka HCTV Farxaan Xaaji Cali oo mar walba dhalinyarada gobolka iyo dhalinyarada Somaliland oo dhan dhiirigaliya, maantana na soo gaadhsiiyey waxqabadkii ugu horeeyey ee gobolka loo qabto oo 5KM ee Orodka naga qaabili doona, waxaanu leenahay HCTV iyo shaqaalihiisaba waad mahadsantihiin, anaga oo ka dareen celinayna sidaa wanaagsan ee uu dhalinyarada iyo bulshada uu ugu heelan yahay,” ayuu yidhi Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag.

 

 

Leave a Reply