Wasiirka Gaadiidka Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Loo Qabtay Arday Deeq Waxbarasho Ka Helay Itoobiya

0
423

Laasgeel (Dawan ): Munaasibad balaadhan oo isugu jirtay sagootin iyo dabaal deg ayaa shalay loo qabtay arday wax ka bartay dugsiga sare ee degmadda Laasgeel ee gobolka Saaxil.

Ardaydaasi oo tiradoodu ahayd 23 ayaa deeq waxbarasho jaamacadeed oo dibadda ah ku guulaystay. Kuwaasoo qayb ka ahaa deeqaha waxbarasho ee ay sanadkan Somaliland ka heshay dalka Itoobiya.

Waxaana munaasibadaasi oo ka qabsoontay degmadda Laasgeel ka soo qayb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland, badhasaabka gobolka Maroodijeex.

Aqoon yahano, siyaasiyiin, madax dhaqameed, maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Laasgeel, waalidiinta ardayda waxbarashadda dibadeed u baxayay iyo mart isharaf kale.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan, oo munaasibaddii loo qabtay ardaydaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay reer Laasgeel farxad u tahay in 23 arday ay deeq waxbarasho helaan.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in 23 arday ay inoo heleen deeq waxbarasho. Degmadan Laasgeel xagga waxbarashadda mar kasta waxay ku ahaan jirtay mid ku sharfan”.

C/laahi Abokor, ayaa kula dar-daarmay ardayda waxbarashadda dibadeed u baxaya in ay la yimaadaan dhabar-adayg iyo dedaal dheeraad ah, isla markaana wixii ay soo bartaan ay ku soo celiyaan degmadoodda.

“Waxaa la idinka doonayaa dhabar-adayg, in aad ILLAAHAY SWT ku xidhnaataan iyo in aad dedaashaan. Waxaa laga yaabaa jaamacadaha Itoobiya waa Boodhin. Idinka ayaa dharkiina maydhana, oo cuntadiina karsanaya.

Markaa waxaa la idiinka baahan yahay in aad adkaysi u yeelataan. Tacabka aad halkaa kala timaadaan, ayuun baad degmada-na ku soo celin doontaan”ayuu yidhi wasiir C/laahi Abokor.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex, ayaa isna halkaas hadal ka jeediyay oo si weyn ugu mahad naqay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka waxbarashadda sida cadaaladda ah ee ay deeqaha waxbarasho u qaybiyeen.

Waxaanu tilmaamay in bulshadda Somaliland oo dhan ay soo dhaweeyeen siyaasadda xukuumadu qaatay ee ay dugsiyadda dawliga kootadda ugu xidhay deeqaha waxbarashadda dibadeed.

Geesta kale maamulka dugsiga sare ee Laasgeel oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa ardayda waxbarashadda dibadeed u baxaya kula dar-daarmay in marka ay tagaan Itoobiya ay ku dedaalaan tacliintoodda.

Dhinaca kale waxaa munaasibadaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee joogay kuwaasoo dhamaanbtoodba u hambalyeeyay ardayda deeqda waxbarasho helay.

 

 

Leave a Reply