Wasiirka Koore oo Ka Hadlay Sidii Wajaale Biyo ku Filan u Heli-laheyd

0
386

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada u sheegay in ay wadaan qorshe ah sidii degmadda Wajaale ay biyo ku filan u helli lahayd

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay mashruuca biyo ballaadhinta degmada Wajaale ugu helli lahaayeen adduun lacageed oo ay ku horumarinayaan.

Wasiir Koore waxaa uu sidan ka sheegay goobta uu ka socdo mashruuca biyo balaadhinta degmadda Togwajaale.

Gudoomiyaha degmadda Togwajaale mudane Xaaji Maxamuud Cabdi ayaa ugu horreyn wasiirka uga mahad naqey dedaalka ay ugu jiraan ka wasaaradd ahaan sidii degmadda Togwajaale biyo ku filan u helli laheyd, waxaanu yidhi “Wasiir aad iyo aad ayaanu kuugu soo dhaweyneynaa hawlgalka culus ee aad ku wadid biyo gelinta degmadda Togwajaale, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay hawshaasi sida aad u wadid ee aad mar walba ugu soo noq-noqotid, ugana hawlgashid sidii degmadda Togwajaale biyo u heli laheyd, beebabka biyo gelinta ayaa magaalada aad ugu yar, dhibaataduna waxaa ay ka taagan tahay dhuumihii biyo gelinta ayaan magaalada wada gaadhsiisneyn”

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada degmadda Wajaale ugu bushaareeyay inay wadaan qorshihii ay magaaladu ku heli laheyd biyo ku filan, waxaanu yidhi “Magaalada Togwajaale waan ku soo noq-noqday ilaa afar jeer, sababta aan ugu soo noq-noqdayna waxaa weeye mashruuca ayaan dhib yareyn, kaasi oo meel fog oo magaalada u jirta 26-km laga soo jiidayo, magaalada oo aan rabno inay biyaha gashato, mashruuca oo aanu lacag kale u dooneyno, iyo dadkii maalgaliyayaasha ahaa, in aanu ka reysano Mishiinadda oo aanu hello nidaamka tamarta ee Qoraxda ku shaqeeya, Wajaale anaga oo ILLAAHEY la kaashaneyna isaga awoodle, iyo hay’addaha dadka dhammaantoodb in aanu biyo ku fillan oo joogta ah ay degmadda Wajaale hesho”

Leave a Reply