Hurdada Badani Waa Cadowga Horumarka!

0
402

Nikola Tesla wuxu ahaa aqoonyahan Maraykan ah laakiin asalkiisu Serbia u dhashay waa ninkii lahaa fikradda Electrical engineer iyo Machanial Engnieer ”Physicist”. Waa saynis yahanka dejiyay Nidaamka tamarta korontada ee wakhtigan la adeegsado loona isticmaalo (modern alternating current electricity supply system.).

Nikola wuxu seexan jiray laba saacadood oo keliya habeenkii, isagoo gelinka danbena seexan jiray dhowr daqiiqo. Waxaana uu Nikola sheegay inay huradada duhurku ka caawinayso inuu batterigiisa buuxsado si uu mar kale shaqadiisa usii wato.

Nikola Waxa uu raacayay nidaamka loo yaqaan hurdada adag (Strict sleep system) oo ah in afartii saacadoodba aad seexato 20 daqiiqo., taasi oo noqonaysa in 2 saacadood keliya seexato 24 saacadoodba waana habka loo yaqaan “Polyphasic sleep” oo ah saacado kala duwan inaad seexato. Nikola wuxu dhintay sanadkii 1943 isagoo 87 sano jiray.

Thomas Edson oo isna ah nin Maraykan isla markaana  curiyay laydhka aan maanta shidano ayaa isaguna cadeeyay in hurdadu ay wakhtiga lumiso. Waxaana uu seexan jiray 3 saacadood oo keliya maalintii iyo habeenkii, weliba saacadaha hurdadiisa ayaa wakhtiyo kala duwanah ahaa isagoo u qaybin jiray 6 qaybood oo markii 20 daqiiqo tahay.

 

 

Leave a Reply