Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Socdaal Shaqo Ku Maraya Dalalka Khaliijka

0
495

safarka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa la xidhiidha sii xoojinta cilaaqaadka Somaliland iyo dalalka Khaliijka Carabta

Maxamuud Walaaleeye

Hargeysa- (Dawan):- Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa socdaal shaqo ugu baxay dalalka Khaliijka Carabta,sarafkaas oo uu ku marayo dalalka Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici,ayaa socdaalkiisa shaqo ee uu ku marayo dalalka Khaliijka waxaa uu ku horreeyay dalka Kuwayt.

Waxaa kale oo uu safarkisa shaqo ku soo mari doonaa dalka Imaaraadka Carabta isagoo socdaalkiisa ku tegi doona Dubay iyo Abu Dubay.

Md Saylici oo dorraad socdaal shaqo ugu baxay dibedda ayaa  sheegay inuu soo mari doono wadamadda Kuwait, iyo Imaaraadka Carabta, sida Abu Dhabi & Dubai..

Fariin kooban oo Madaxweyne-xigeenka Somaliland  Mudane Cabdiraxmaan Saylici uu ku baahiyey bartiisa Twitter ayuu ku sheegay,

“Waxaan safar shaqo oo gaaban ku marayaa, Kuwait, Dubai iyo Abu Dhabi si aan u xoojino xidhiidhka walaaltinimo ee aynu la leenahay dalalka khaliijka.”

Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah saaxiibo dhow & xulafo adag, oo ka wada shaqeeya kor u qaadida nabadda, amniga iyo  horumarinta dhaqan- dhaqaale ee labada wadan

 

Waxaana la filayaa in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudada uu socdaalka shaqo ku marayo dalalka Khaliijka in uu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dalalka Khaliijka  isla markaana  kulamadaa lagaga wada hadlo xidhiidhka Somaliland iyo dalalka Khaliijka iyo sii xoojintiisa.

Leave a Reply