Shaydaanka ayaan Halkan Ka Eryayna!

0
464

Dadka magaalada Phuket ee Shiinaha aya sameeya sanad kasta xaflad ay ku naftooda ku dhibaan. Xafladan ayaa ah mid ay sheegaan inay Shaydaanka ku fogaynayaa ayaa ah mid ay dhiig iskaga keenaam keena jidhkooda.  Waxaana aya jidhka geliyaan qalab sida midada oo kale ah kaasi oo caaro dhuuban oo xanuun badana leh.

Malaayiin dad ah ayaa ka taga Thialand iyo goobo kale oo dunida ah iyagoo u daawasho taga  munaasabadan aan naxriist lahayn ee miyir beelka ah.

Xafladan Shaydaanka oo loo yaqaan xafaldii Nabaadka ayaa la qabtaa bisha sagaalaad ee bilaha Dayaxa iyagoo hirgelinaya caadadii hore ee dadkii bilaabay.

 

Dadka magaalada ayaan cunina hilibka digaaga, mana cabaan khamriga. Waxay ay dadkani aamisan yihiin marka ay dhigayaan xafladan inay ciqaabayaan Shaydaanka isla markaana ay ka eryayaan magaladooda. Waxa kale oo ay rumaysan yihiin in magaaladooda arrinkani usoo jeediyo barwaaqo iyo nasiib wanaagsan. .

Arrimaha kale ee naxdinta leh waxa ka mid ah iyagoo sameeya inay kabo la’aan ( cagaag) ku dul socadaan dhuxul ololaysa iyo inay koraan salaano jidhkooda jeexjeexaya. Waana ariimo ay ku ciqaaban jidhkood oo dhiig badan kaga daadiyaan.

Bulshadani waxa kale oo ay aamisan yihiin in raga arintan samaynaya ay keenayso inay noqdaan geesiyaal nolosha u adkaysta oo wax kasta oo halis ah u jilib dhiga kara. Caadadani dhibta badan ayaa la sheegay inay soo taxnayd tan iyo sanadkii 1825., Xafladda eriga Shaydaanka waxay socotaa muddo toddoba maalmood ah..

 

Leave a Reply