KA DIYAAR-GAROW DAGAAL KA QARXA GACANKA BIYAHA KHALIIJKA

0
588

Waxa dunidu ay si aad ah uga digayaan in dagaal weyni  ka qarxo Bariga Dhexe, gaar ahaana Iiraan iyo inta la xulufada iyo Mareykanka iyo xulufadiisa, waxana u sababa cunaqabateynta uu Mareykanku sida gaarka u saaray dalka Iiraan, kadib markuu iskii uga baxay Madaxweyne Donald Trump heshiiskii Iiraan laga joojiyey kobcinta Uraaniyamka oo ah ta laga curiyo hubka Niyuukaleerka.

Heshiiskaa waxa dhinaca Mareykanka u saxeexay Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Mr, Baraak Obama,  xagga Midowga Yurubna waxa kaga jiray heshiiskaas dalalka Faransiiska, Biriteyn iyo Jarmalka  waxayna Iiraan ku beddelatay joojinta kobcinta Uraaniyamka in laga qaado cunaqabateyntii saarneyd oo ay ku jirto lacagihii Iiraan ee Mareykanku xayiraadda saaray waqtigii uu  Aayatullah Khumeyni xukunka ka tuuray Boqorkii dalka Iiraan Maxamad Shaah Raza Bahlaawi.

Mar allaale markuu Madaxweyne Trump  xilka kala  wareegay Madaxweyne Obama, ayuu muddo yar kadiba ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay, haseahaatee dalalkii kale sidoodii ayey uguu jireen heshiiskaas oo la kala saxeexday 2015kii isla markaana laga ansixiyey Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dalalka Midowga Yurub ee qeybta ka ahaa heshiiskaa iyo Iiraan ayaa yeeshay kulano dhawr ah oo ay kaga wada xaajoonayeen sidii loo sii wadi lahaa heshiiskaa, waxayna isla qaateen Iiraan iyo dalalka Faransiiska, Biriteyn iyo Jarmalku, in aanay Iraan dhaafin kobcinta Yuraaniyamka xaddigii hore loogu heshiiyey, isla markaana ay iyana dhinacooda uga hawlgalaan sidii ay Mareykanka ugu qancin lahaayeen inuu ka noqdoshiiskii uu sida sharci darrada kelidii u buriyey, ugana qaadi lahaa dalka Iiraan cunaqabateynta cusub ee uu ku soo rogay.

Madaxda sare ee dalka Iiraan muddo ayey ka dhursugayeen xubnaha  dalalka Midowga Yurub ee ay heshiiska dembe wada gaadheen, haseyeeshee markay u caddaatay inaan waxba kasoo naasa-caddeyn , ayey Iiraan ku dhawaaqday in aanay keli ku ahaan doonin cumaqabateynta la saaray, gaar ahaana ta dhinaca shidaalka, sidaa awgeedna ay xidhi doonto gebi ahaanba gacanka  Khaliijka iyo ka Hormuz.

Dhawaaqaasi waxa uu markiiba dareen ku dhaliyey Mareykanka oo isna xaggiisa kaga dhawaaqay, in aanay Iiraan xaq u lahayn inay xidho marin biyoodyada ganacsi ee ka dhaxeeya dunida, sidoo kalena waxa uu usoo diray Badda gacanka Khaliijka Maraakiib dagaal oo uu kusoo kordhiyey kuwii hore uga sii joogay halkaa. Sidaa si la mid ah ayey quwadaha kale ee dunida kalena usoo dirsadeen marinka ganacsi ee biyaha gacanka Khaliijka

Jawi cakirran oo leh saansaan dagaal ayaa ka bilaabmay biyaha gacanka Khaliijka Carbeed, waxana la wada galay marxalad cid kastaaba dhinaceeda ka gashay heegan dagaal, taas oo dhalisay in la kala shakiyo, gaar ahaana Ciidammada Badda ee Iiraan iyo kuwa Mareykanka oo ah kuwa waxyar  isku jira oo midba ka kale dhaqdhaqaaqiisa arki karo, keenina karta inay si fudud iskugu dhacaan, kadibna sidaa uu dhexdooda dagaal uga dhex qarxo.

Xaaladda Bariga Dhexe waxay cirka isku sii shareertay markay Ciidammada badda ee Ilaalada Kacaanka Iraan dhulka soo dhigeen diyaarad bilaa duuliya oo uu lahaa Mareykanku oo siday sheegeen kusoo xadgudubtay xuduudahood, waxa ku xigay Markab Iraan leedahay oo ah  kuwa shidaalka qaada oo lagu qabatay biyaha gacanka ee Gibralter oo ay ku eedeeyeen  Mareykanka iyo Boqortooyada  Ingiriisku in shidaalka uu waday Markabku Suuriya oo EU-du hore u saartay Cunaqabaten, waxana ku sii xigay Iraan oo gacanka Hormuz ku qabatay Markab shidaal oo watay Calanka Ingiriiska.

Waxa ay ka argagaxday dunidu weerarkii ay diyaaradaha yar-yar ee bilaa duuliyayaasha ee lagu farsameeyey dalka Iiraan ku qaadeen xarumo kuwa shidaalka oo ku yaal dalka Sucuudiga, halkaana ku gubeen, kuna burburiyeen xarumo lagu sifeeyo shidaalka iyo kuwa  keyd shidaal ahaa, iyadoo weerarkaana ay sheegteen Xuutiyiinta ka dagaallama dalka Yeman, balse  Mareykanka iyo Sucuudiguba ku eedeeyeen dalka Iiraan, inkasta oo Iraana ay dafirtay inay lug ku lahayd weerarkaasi.

Haddaba, waxa caalamku ka cabsi qabaa in weerar ka dhex qarxo Iraan iyo Mareykanka, waayo waa mid saameyn ugu yeelanaya dunida siyaabo kala duwan hadduu dagaal ka qarxo gacanka badda Khaliijka, sidoo kalena saameyn laxaad leh ku yeelanaya Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidho ganacsi, dhaqaale iyo dhaqanba la leh dalalka khaliijka intooda badan, taas oo u baahan in laga sii tabaabusheysto haddii uu qarxo dagaalkaa la saadaalinayaa.

Waxa dalalka Khaliijka aan kasoo iibsanaa dhammaan maciishadda oo dhan, haddii dagaalka ka qarxana waxa xidhmaya badda khaliijka oo dhan oo 30% ah marin u ah ganacsiga adduunka, taasna ay tahay sababta wadnaha farta loogu hayo, sidaa darteed waa lagama maarmaan in ganacsatadeenu ku baraarugto inay ka sii diyaar garoobaan inta goori-goor tahay oo ay bulshadeena u sii dhigaan keyd raashin, si aan af kala qaad innoogu dhicin haddii laysku keen dulqabsado.

 

Leave a Reply