Badhasaabka Sool oo Si Rasmiya u Furay Tartanka Kooxaha Heerka Kowaad ee Gobolkaasi

0
659

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay si rasmiya magaaladda Laascaanood uga furay tartanka ciyaaraha kubbadda cagta heerka koowaad ee ka dhisan gobolkaasi.

Tartan ciyaareedkaaasi oo lagu qabanayo garoonka kubbadda cagta Cabdi Bile Cabdi Stadium ee magaaladda Laascaanood, waxaa ka qayb qaadanaya 16 kooxood, oo u sii kala baxaya afar group.

Waxaanu tartankaasi socon doona muddo 32 maalmood ah, kaasoo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto magaaladda Laascaanood.

Tartankaasi waxaa si rasmiya u furay badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland, isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa xafladii furitaanka joogay maayarka Laascaanood, agaasimaha waaxda ciyaaraha fudud ee wasaaradda ciyaaraha iyo sidoo kale xubno ka tirsan xidhiidhka ciyaaraha iyo bahda ciyaaraha.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo si rasmiya u furay tartankaasi, isla markaana isagu Laaday Kubbaddii furitaanka oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in si rasmiya uu u furay tartankaasi.

Waxaanu yidhi “Warku wuu cad yahay, oo waxaynu maanta (shalay) halkan isugu nimid in aynu furno koobka ciyaaraha kubbadda cagta Sool. Waxaan idiin sheegaynaa dadweynihiina ku dhaqan gobolka Sool, in aanu maanta (shalay), si rasmiya u furnay koobkii ciyaaraha Sool (Sool Cup), ee 16ka kooxood ka qayb gelayaan, ayna inoo soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaaraha jamhuuriyadda Somaliland”.

C/qani Jiidhe, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in ay siyaasadiisa ka mid tahay jihaynta mustaqbalka dhalinyaradda, sidoo kale-na badhasaabka Sool waxa uu u mahad celiyay wasiirka wasaaradda ciyaaraha.

“Waxaan u mahad celinayaa wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, agaasimaha guud iyo dhamaanba shaqaalaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha.

Waxaan si gaara ugu mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda, oo siyaasadiisa ay tahay in dhalinyaradda la jiheeyo, haddii ay tahay mustaqbalkoodda iyo aayahoodaba. Waxaanan leeyahay aad baad u mahadsan tahay madaxweyne, waanan kaahaynaa, balan qaadkii”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa fariin u diray guud ahaanba bulshadda gobolkaasi oo uu ugu baaqay in ay nabadgeliyadda ilaaliyaaan, isla markaana ka qayb qaataan horumarka uu gobolku kula tartamayo goboladda kale.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxan dadweynaha Sool ka codsanayaa, in ay nabadgeliyadda adkeeyaan.

Wad aragtaan marka laga hadlayo goboladda kale, ee nabadgeliyo xumo laga hadlayo, Sool lama soo qaato. Waxaasina waa horumarka aan gaadhnay, aduunkana horumar ayaa lagu tartamayaa”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Maxamed C/laahi Siciid (Khaawi), ayaa ka warbixiyay u jeedadda wasaaradu ka leedahay tartamadan lagu qabayo goboladda bariga dalka.

Waxaanu yidhi “Waxaanu ugu tallo galnay in dhamaanba goboladda dalkoo dhan tartamadu gadhaan, oo laga ciyaaro ciyaaro qurux badan.

Tartamadan imika la wado waxaa laga fulinayaa goboladda Bariga Somaliland. Sool, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil. Dhamaantood waxaanu ka wadna koobab is-daba joog ah, oo aanu ugu tallo galnay in aanu dhalinyaradda ku dhiiri gelino”.

Waxaanu intaas raaciyay “Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaruhu waxay mar walba heegan u tahay, in ay fuliso balan qaadyadii uu sameeyay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo balan qaaday in uu maskaxda iyo garaadka dhalinyaradda kobcin doono, xiligii uu ololaha ku jiray.

Balantii qaadayna maanta wuu inoo fulay, oo waad aragtaan, oo waatan tartamo qurux badan idiin qabatay”ayuu yidhi agaasime Khaawi.

Agaasimuhu waxa kaloo uu u mahad celiyay shirkadaha ka qayb qaatay qabashadda tartankani, waxaanu yihdi “Waxa kaloo aan halkan uga mahad celinayaa, dhamaanba shirkadaha ka gacan gaystay qabashadda tartankani, oo had iyo jeer fahamsan in ay caawiyan dhalinyaradooda, oo mar kasta bar-bar taagan ciyaaraha”.

Dhinaca kale maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Maanta (shalay) farxad bay noo tahay, golaha degaanka Laascanood iyo dawladda hoose ee Laascaanood-ba, in magaaladda Laascaanood uu ka furmo tartan ciyaareed, oo ay ku tartamayaan 16 kooxood oo heerka koowaad ah.

Farxad gaar ayay noo tahay, waxaana laga yaabaa magaalooyin kaloo badan in aanay ka jirin. Tartankani waxaan u rejaynayaa, oo aaan dhalinyaradda kula dar-daarmayaaa, in ay si xilkasnimo leh, si edeb leh, ay garsoorka iyo maamulkaba ula shaqeeyaan, oo dhexdoodda uga shaqeeyaan.

Kolay 16-kaa kooxood, koox ayuunbaa koobka qaadi doonta, Kubaduna waa Cadaan iyo Madow. Markaa dhalinyaradda waxaan kula dar-daarmayaa in ay akhlaaqda iyo nabadgeliyadda ilaaliyaan”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply