Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada oo ka Hadlay Xaalada Dalka Somaliland

0
545

Qore Faysal A. Kaarshe

Laascaanood (Dawan)- Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yuusuf Axmed Aflahaar, xilliganna ah guddoomiyaha jaamacada Golis Faraceeda Laascaanood, ayaa ka hadlay halka ay marayso xaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo waayihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Mudane Yuusuf Axmed Aflahaar, waxa kale oo uu ka hadlay saamiga Kuraasta ee gobolka Sool uu ka helay golaha wasiirrada Somaliland, oo uu sheegay in lagu saleeyay tirada dadkii ka codeeyay gobolka, waxaanu tilmaamay in haddii tirada codbixiyayaasha gogolku ay intaasi ka badan lahadyna ay helilahaayeen saami ka badan inta ah hadda heleen.

Yuusuf Axmed Aflahaar ayaa sidan ku sheegay wareysi gaar ah uu siiyey wargeyska Dawan, kaas oo uu ku iftiimiyey xog dhinacyo badan taabanaysa, wxaanu ku bilaabay hadalkiisi, ” Aniga oo ka mid ahaa masuuliyiintii xisbiga Kulmiye ee ololaha doorashada gobolada bariga u qaabilsanaa, isla markaana ololihii cod raadinta ee uu ku yimid hogaanka talada dalka haya ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi qayb ka ahaa, waxaanu anaga oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka ah aanu kulan wada-yeelanay musharrixii jagada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye oo hadda ah Madaxweynaha qaranka, anaga oo kula heshiinay inaanu dhisno, isaguna uu haddii uu guuleysto noo caddaalad sameeyo, ka dib waxa uu jawaab nagu siiyey, caddaaladu waxay ku xidhan tahay sida aad gobolkiina cod uga keentaan, anaga oo ogsoon in aan deegaankayaga lagu qaadan kaadhadh badan ayaanu ku hawlgalnay, anaga oo qaadnay olole ballaadhan, waxaanuna gaadhnay meelo aanay xukuumada Somaliland awoodeeda xukun aanay gaadhin, iyadoo ay nala gaadhay raadcada cod raadintu, hase ahaatee waxaan qirayaa inay na soo wajaheen laba kooxood, kuwaas oo ay kooxda hore ahayd siyaasiyiin ka soo jeedday gobolka, heshiis hoosena kula jirtey xisbiga Waddani, kuwaas oo qaarkood xilal ka soo qabteen dawladda Soomaaliya, sidaa awgeed waxay ka dhigteen arrintaa fikrad ay shacabka taageeradooda kaga iibsadaan , iyaga oo u sheegay inay aaminsan yihiin Soomaaliweyn haddey guulaystaana ay u horraan qaadi doonaan dhinaca Soomaaliweyn, taas oo noqotay mid ka iibsantay maskaxdii shacabkaas.’

Kooxda kale, waxa ay ahayd odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin gobolkaa u yimid inay shacabka reer, reer ula shiraan, kuwaas oo warbaahintana iska fogaynayey, isla markaana u sheegayey beelaha inay Soomaaliweyn yihiin si ay xisbigii ay wateen ugu helaan cod”

Wasiirkii hore ee wasaaradda caddaalada Somaliland waxa uu intaasi ku daray ”Labadaa caqabadood waxay ahaayeen kuwii sababay in xisbiga Kulmiye 35% cod ah uu ka helo gobolka Sool, natiijadaasuna waxay noqotay mida keentay in dhismihii xukuumadan Kulmiye ee uu madaxweyne Muuse Biixi uu goboladaasi ka helo saami dhan saddex wasiir.

Halkaa waxaan shacabka gobolka Sool uga soo jeedinayaa in haddii uu codkooda noqon lahaa 100% ama ay keeni lahaayeen ay heli lahaayeen 10 wasiir iyo in ka badanba.”

Mudane Yuusuf Aflahaar, sidoo kale waxa uu talo bixin u soo jeediyey madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi Waxaan madaxweynaha u soo jeedinayaa talo bixin, in ay shacabka goboladaasi ay wax badan kaga duwan yihiin gobolada kale, iyaga oo intooda badani aaminsan yihiin in mucaaradnimada waxa lagu helaa ay ka badan tahay waxa lagu helo muxaafidnimada, tusaalena waxa u ah haddii aan u soo qaato dawladii madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyadoo shacabku 100% ka soo horjeedo, isaguna aanu weligii habeen u hoyan, in uu gobolkaa Sool u sii daayey mashaariic badan iyo xaruntiisa Laascaanood iyo degmooyinka kaleba qaarkood, kuwaas oo dhamaantood la fuliyey, waxa kale oo uu u magacaabay ilaa dhawr iyo toban xil oo isugu jira wasiirro, ku xigeeno, iyo agaasimayaal guud, taasina waxay keentay in shacabkii 90% taageeraan, ka dibna halkii aanu ka seexan jirin ay suurtagasho in uu habeeno u hoydo, magaaladana uu lug ku dhex maro, halka uu mashaariico xadhiga kaga soo jaray, halka uu kuwa kalena ka soo dhagax dhigay.”

“Dhinaca kale waxay keentay arrintaasi in maamulkii Khaatumo ku magacawnaa oo Somaliland dagaal kula jirey, markii ay arkeen shacabkii oo taageeradoodii ka wareegtay in ay iyaguna ogolaadaan heshiis ay la galaan xukuumadii Somaliland.

Ugu danbeyna waxaan Madaxweynaha leeyahay Mudane waxaa lagaa sugayaa, in aad dariiqii madaxweynihii kaa horreeyey uu marey aad u marto, si aad u hesho taageerada shacabka, isla markaana aanay noqonin in wakhtigu kaaga dhamaado fulinta go’aamadii ololaha iyo cod raadinta kaaga meel yaalley. Mudane Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa ballanqaadkaagii biyaha oo aan illaa hadda nidaamsanayn,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yuusuf Axmed Aflahaar, waxaanu intaasi raaciyay “Mudane Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa mashaariicdii horumarineed, ee ballanqaadkaaga sida 15-kii Km ee beeraha oo ahayd mid gobol kasta laga sameyn doono, iyo mashaariicdii kale ee horumarineed si xukuumaduna ay u hesho kasbashada tageerada shacabka, kuwaas oo aan ku qiimeyn karo in inta badan indhaha shacabka gobolkaasi yahay mid si joogto ah ula socda Soomaaliya iyo madaxweynaheeda kaas oo aanu jirin wax uu u hayaa, iyagana wakhtigii iyo waxay qabsan lahaayeenba kaga lumayo.”

Leave a Reply