Laba Iskuma Helo oo Kaaf iyo Kala Dheeri

0
559

Dawladuhu guud ahaan marka ay dhegahoodu maqlaan magaca JABHAD, waxay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii ay u heli lahaayeen xog buuxda oo la xidhiidha asbaabaha ay ka abuurantay Jabhaddaasi, cidda abaabushay iyo meesha laga soo abaabulay ee xudunta u ah, dhaqaalaha lagu unkay iyo halka ay ka hawlgeli doonaan cidda dusha u ridatay, goobta saldhiggoodu yahay, hubka iyo saadka meesha ay ka heleen, cududdooda iyo cadadkooda iyo waxyaabo kale oo badan.

Haddaba iyadoo ay arrintaa ka wada siman yihiin dawladuhu, ayaa haddana waxa ay ku kala duwan yihiin nidaamyada siyaasadeed ee ay ku kala dhaqmaan oo aynu ku kala eegi doono laba nidaam siyaasadeed oo ay u badan yihiin dalalka dunidu, kuwaas oo kala ah nidaamka keli-taliska iyo nidaamka dimoqraadiyadda.

Labadaa nidaam waxay inta badan Jabhaduhu ka sameysmaan nidaamyada Dikteytarrada ah, waayo ma oggola nidaamyadan siyaasadeed xorriyatul qawlka, Warbaahinta Madaxbannaan iyo in laga doodo arrimaha siyaasadeed ee dalka, waxayna ku xukumaan bulshadooda gacan bir ah sida Xukuno xabsi oo dhaadheer, jidh-dil, garaacis iyo car juuq dheh, waana nidaamkii la soo maray ee dalkii la baxay Jamhuuriyadda Somaaliya, kaga qabsaday Xukunka Millateri 21kii Oct 1969kii dawladdi ra’yidka ahayd ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamad X. Ibraahin Cigaal.

Nidaamka keli-taliska ahi waqtiyadii hore waxa uu ahaa mid Boqortooyo iyo mid aan ka dhicin oo oggol in dalku yeesho hal Xisbi oo qudha oo nidaamka Shuuciyadda, waxase waayahan dembe soo baxay dalal badan oo gees ka oggol in la furto Xisbiyo siyaasadeed oo la tartama Xisbiga talada haya, haseyeeshee aan haddana sinaba ku oggolaan inuu kusoo baxo doorashooyinka mid aan ka ahayn Xisbiga talada hoggaaminta dalka haya, iyagoo adeegsada siyaasado wax isdaba-marina sida ku shubashada codadka, xadhig u maleegid iyo eedeymo been abuura oo loo sameeyo hoggaamiyayaasha Xisbiyada kale iyo khiyaanooyinka kale oo badan oo ka fogeynaya inay guul ka gaadhaan caga-jugleyn

Waxa ka mid ah dalalkaasi Masar, Sudaan oo dhawaan la afgembiyey Madaxweynihii soo xukumayey in ka badan soddon sannadood, Simbaabwi oo iyana la mid ah oo Madaxweynihii soo xukumayey soddonka sanno Robert Mugabe uu dhawaan geeriyooday kadib markii la inqilaabay, Kuuba, Shiinaha, Ruushka iyo dalal kale oo badan oo ku kala yaal Afrika iyo Laatiin Ameerika.

Talisyadaa nidaamka keli-telisnimo ku xukumayey dalalkooda, waxa tusaale innoogu filan intii qoriga caaradii ama bannaanbax dadweyne xukunka lagaga tuuray , gaar ahaan kuwa ay weli raadadkoodii sii qoyan yihiin, sida Liibiya, Tuuniisiya, Masar, Suudaan, Simbaabwi, Ciraaq iyo Suuriya oo ay ku hirdamayaan gacmo shisheeye oo taageeraya kelidii-taliye Bashaar Al-asad iyo Jabahado aan isku ujeeddo ahayn oo iyagu hadda hal Gobol keliya lagu hareereeyey.

Nidaamka Jabahaduhu ka sameysmaan waa kuwaa aan qaarkood sare ku soo xusnay, markay iska horyimaadaana ciyaar-ciyaar midkoodna kuma gaadho guul, lexejeclo iyo tudhaale kale oo aan ka ahayn guul oo labada dhinac eegayaan ma jirto, magaalooyin, Wershado, Biriijyo iyo wax kasta cagtaa la marinayaa, dan laga leeyahayna ma jirto, kadibna labada midkood ayaa usoo hadha dal ka madhan oo ka dunsan xag walba.

Nidaamka Dimoqraadiyadda inta badan way adag tahay inay Jabahado ka sameysmaan, waayo Jabhadeyn kama soconeyso, maadaama bulshadu isla qaateen inay sameystaan nidaamka Xisbiyada badan, kuna tartamaan dhexdooda, hoggaankana uu qabto hadba Xisbiga ku guuleysta tartanka. Geesta kale waa nidaam oggol Xorriyatul qawlka iyo in la wada doodo, dabadeedna la raaco xagga loo bato, sidoo kalena waxa ka hawlgasha oo uu jideynayaa nidaamkani inay jirto Warbaahin Madaxbannaan, si aan loo cabudhin mucaaridka.

Waxa kale oo intaa dheer, kana mida waxyaabaha asaaska u ah nidaamka dimoqraadiyadda, in sida badan Madaxweyne kasta ama Ra’iisal Wasaare kasta uu yeesho muddo xilliyeed go’an oo uu isku soo sharraxi karo hoggaaminta dalka, waxana sidaa looga dhigay si aanu qofna iskugu sii dhejin ama usii jecleysan inuu ku sii fadhiyo kursiga.

Intaas oo dhan waxa loo sameeyey si aanu u dhicin kacdoon Jabhadeed oo kolba Gobollo ama beelo u sameysan jabhado, iyadoo taa beddelkeedana hadduu Gobol yahay iyo hadduu beel yahayba uu ku nasiibsado wixii uu codkiisu u jaro, balse aanu u hanqal taagin ama damac ka gelin cod cid kale leedahay.

Haddaba, waxa qeybo ka mid ah bulshada Somaliland dhawaanahan ka soo yeedhayey magacyo Jabhadeed, kuwaas oo ah xaqiiqo ahaan wax lala yaabo, waayo, dee laba laysku heli maayo, in Madax-dhaqameedyada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka ay habeen iyo maalinba si madaxbannaan oo aan cadaadis iyo cabudhin midna lahayn uga aflagaadeeyaan, ugana ceebeeyaan Madaxda Qaranka Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo tan kale ee baraha bulshada, iyagoo garab iyo taageeraba siinaya Jabhadahaa iyo inay xor u yihiin inay sameeyaan waxay doonaan oo cid xidhi kartaana jirin.

Markaa waxan kula talin lahaa in qolyahani laba kala doortaan, inay Jabhadeeyaan oo galaan duurka iyo inay iyagoo xor ah oo cid qabsaneysaa jirin ka sheegtaan waxay tabanayaan iyo waxay dhallilayaanba Warbaahinta, labadaa ha kala xusheen, balse suurtagal maaha in badhna keymaha u galaan Dawladda, qeyb kalena gudaha ka dagaallamaan iyagoo xor ah, waayo waa laba nidaam oo aan isqaban Karin. WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

Leave a Reply