Xildhibaan ka Hadlay Xaalada Caafimaad ee Cisbitaalada Dalka

0
398

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan yihiin Cisbitaalada ay dawladu maamusho iyo Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee dalka Somaliland.

Jirde Siciid Maxamuud ayaa waxa uu u soo jeediyay Cisbitaalada gaarka loo leeyahay in ay hoos u dhigaan lacagta ay ka qaadaan dadka xanuunsanaya, waxaana uu ku ammaanay Cisbitaalka guud ee Hargaysa sida ay ugu adeegaan dadka danyarta ah ee aan haysan lacagta lagu fuliyo qaliinnada.

Xildhibaan Jirde oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay Dhakhaatiirta gaarka ah in lacagta ay dadka ka qaadayaan aad ayay u badantahay ee waa in ay ka yareeyaan lacagtaa ay dadka ka qaadayaan, Cisbitaalada Dawlada ama kan Caasimada ha ahaado ama kuwa gobalada kale aad ayay u wanaagsanyihiin Cisbtaallada ku yaala Caasimada aad ayuu u wanaagsan yahay. Dadka danyarta ah ee aan iska bixin karin lacagta qaliinka aad ayuu u saacidaa, waana laga daayaa, Caafimaad ahaana wuu fiicanyahay Cisbitaalka guud ee Hargaysa haday noqoto baadhitaanada dhiigaga, horumar wayn ayuuna gaadhay ilaa kalyihii ayaa lagu sifaynayaa.

Dhakhaatiir ajaaniba waa lagu soo kordhiyay wax yaabo aanay qaban Dhakhaatiirta gaarka ahi ayuu qabtaa Cisbitaalka guud, markaa waa in la garab-istaagaa oo waxyaabaha ka dhimana la buuxiyo,”.

Xildhibaanka ayaa waxa uu usoo jeediyay Hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland in ay Kaantaroosho dawooyinka ay ii biyaan Pharmacy dalka.waxaana uu yidhi “Waxa aan leeyahay dawooyinka Farmasiyadu iibiyaan ee dhacay iyo kuwa aan tayada la hayn awooda ha la la saaro, ayaan usoo jeedinayaa oo ay ka shaqayso Hayada Tayada Somaliland ee loo xil saaray, tayadooda, waana in ay kaantaroosho Hay’ada Tayada Somaliland dawooyinkaa ay iibinayaan Farmasiyadu”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in la hagaajiyo fayodhawrka meelaha biyo mareenka ah si aanay xanuuno uga dhalan. waxaana uu yidhi “Wakhti roobaadkii ayaynu ku jirnaa waxaana ka dhasha cuduro meelaha Dooxyada ee biyaha roobku ku soo rogmado iyo qashinka lagu daadiyo,waxaana aan soo jeedinayaa in fayodhawrkooda la wanaajiyo meelahaa biyo mareenada ah ee qashinka lagu qubo,oo wax laga qabto si Caafimaadku bulshadu u wanaagsaanaado”.

 

 

 

 

Leave a Reply