Wasaradda Biyaha oo Dhaan Biyood Aad u Weyn Ka Dhagax Dhigtay Deegaanka Qool Dhuxulaale

0
657

“Mashruucani wax weyn buu ka badeli doonaa dadka deegaankan, hadday tahay Beeraha, xoolaha iyo cabitaanka waanu ku filanyahay” Wasiirka Biyaha

 

 

“Mashruucan aynu dhagax dhigeyno wuxuu bilow u yahay ballanqaadkii hore ee xukuumadda xisbiga KULMIYE ay ballanqaaday” Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biaha

 

 

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa deegaanka Laanqayrta Qool-dhuxulaale oo hoos yimaad degmadda Sallaxley si wada jir ah uga wada dhagax dhigay Dhaam Biyood.

Dadka shacbka ah ee ku dhaqan deegaankaasi madaxdii ka soo qayb gashay ayaa ammaan iyo mahad naq balaadhan u jeediyey wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha, iyaga oo ku bogaadiyay shaqada fiican ee ay qaranka u hayaan.

Waxaana masuuliyiintii dhagax dhiga Dhaam-biyoodkan ka qayb ka mid ahaa, Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodijeex, wasiirkii hore ee wasaaradda xannaanada xoolaha Cabdilaahi Cukuuse, agaasimihii hore ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Dhabeeye, Maayar ku xigeenka caasimda Hargeysa Cabdicasiis Cagoweyne iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Dhaam biyoodkani uu wax badan ka tari doono baahidii biyood ee ay qabeen dadka deegaanka Qool-dhuxulaale waxaanu yidhi “Mashruucani wax weyn buu ka badeli doona dadka deegaankan, Beer ahaan xoola ahaan, iyo cabitaan ahaan ba, waanu ugu filanyahay.

Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee halkan waxaan horgeyn doonaa Madaxweynaha, xukuumadduna waa in ay wax idiin qabato, idinkana waxaa xaq leydinku leeyahay in aad xukuumadda taageertaan, nabadgeliyadana in aynu ka wada shaqeyno, dhagax dhiga Dhaamkanina waa mid sidaasi ay hawshiisu ku bilaantay.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa xusay in ballanqaadkii xisbiga taladda haya ee wakhtigii ololihii uu qayb ka yahay dhagaxdhiga Dhaam Biyoodkani waxaanu yidhi “Marka maanta tani waxaa ay bilow u tahay oo aynu dhagax dhigeynaa ballanqaadkii hore ee xukuumadda xisbiga KULMIYE ay ballanqaaday in dadka deegaankan ay u dhisto Dhaam Biyood. Ballan ayaanu kala galney dadka deegaankaasi maalintaas, waxaanu ku ballanay in dadka deegaankani markii ololaha lagu jiray ay xisbiga KULMIYE codkooda ugu hiiliyaan, anaguna waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, sida Biyaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka in hadii xisbiga KULMIYE soo baxo aanu ka fulin doono, balanqaadkii ayay wasaaradda biyuhu fulineysa Dhaamkiina Insha ALLAAH waa taas laga dhagax dhigayo, bulshad deegaankaana waxaan uga mahad celinaya in ballanqaadkii ay maalintaasi nala galleen inay fuliyeen, tuuladana waa ta kaliya ee codkii ugu badnaa xisbiga KULMIYE siisay.”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dugsiyada waxbarashada ee degmadda Sallaxley ku yaalla anaa idiin ballanqaadaya in aan ku darayo.”

Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodijeex mudane Khadar Baaruud Cali, ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay, waxaanu tilmaamay in mashruucani uu farxad weyn u yahay bulshada deegaanka iyo qaranka ba, waxaanu yidhi “Farxad ayay noo tahay in aan Dhaamkan weyn laga hirgaliyo deegaankani, INSHA ALLAH waxaanu rajeynayna in deegaankani kaga raysan doono biya la’aantii joogtada aheyd.”

“Waxaan u mahad celineynaa xisbigii KULMIYE ee ee fuliyay ballanqaadkiisi ahaa inuu wax ka qabanayo baahiyaha deegaankani, kaasi oo ay hada ballanqaadyadii wax fuleen, iyo wasaaradda horumarinta biyaha ee maanta bilowday waxqabadkii koobaad, Dhaam biyoodkaasi maanta Laanqeyrta la keenayna waanu soo dhaweynaynaa ILLAAHEY kasokow xukuumadda ayaanu u mahad naqeyna” ayay yidhaahdeen qaar ka mida odayaasha deegaanka oo goobtaasi ka hadlay.

Leave a Reply