Xubno ka Mida Ardaydii Shaqo Qaran oo loo Qaatay Barayaasha Dugsiyadda Dawladda

0
405

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaraddaasi mudane Axmed Abokor Maxamed iyo Duqa caasimada Hargaysa mudane Canbdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa kulan la yeeshay 236 dhalinyaro ah oo ka mid ah ardeyda barnaamijka Shaqo Qaran, kuwaas oo ka hawl-geli doona dugsiyada aas’aasiga ah ee gobolka Maroodijeex

Guud ahaan, ardeyda barnaamijka shaqada qaranka ee loo qoondeeyey wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa noqon doona macalimiin ka hawlgala dugsiyada hoose dhexe ee dalka, kuwaas oo muddo cayiman wax ka dhigi doona dugsiyadaasi.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan ugu horeyn goobtaasi ka hadlay ayaa dhalinyaraddani kula dardaarmay in ay caruurta baraan in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala madax banaan waxaanu yidhi “Maanta halkan waxaa aynu u joogna sida leydiin sheegay in leydin meeleeyo waxa aad soo marteen shaqo Qaran, aadbaana leydinku amaaney imikana waxaa leydinku eegaya shaqadii runta aheyd sida aad uga soo baxdaan, waxaa leydiin geynayaa arday, kuwaasi oo la doonayo in aad waxbartaan, in wadani jaceylka leydin baray sida uu yahay aad uga soo baxdaan ayaa la doonaya, carruurteena yar yari Somaliland iyo Soomaaliya ma kala yaqaanaan ee in aad ka dhaadhicisaan wadaniyadii leydin soo baray, intii aad ka awoodaan ee wakhtigu idiin fasaxo in aad ku barbaarisaan”

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa jiri doona tababar kooban oo saddex cisho oo qaabka wax looga dhigo ah, intiina badani Jaamiciyiin ayaad tihiin dugsiyadda hoose dhexe waxaa leydinku dooray waxaa weeyaan sanadkan wasaaraddu waxaa ay xooga saaraysa tayada waxbarashada dugsiyada aasaasiga ah, Jamhuuriyadda Somaliland mustaqbalkeedii iyo hogaankeedii ayaad tihiin, ardayda danbe ee soo bixi doonta iyo macalimiintaba idinka ayaa leydinku dayanayaa, meel kasta oo aad tagtaana waxaa la doonaya in aad uga sheekeysaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, Calanka Somaliland, marka waxaanu dooneyna in dugsiyada hoose dhexe ee dawladu noqdaan dugsiyo ifaya, maada aad idinku tagteen in ay ka soo baxaan ubad wanaagsan”

“Dufcadaasi oo loo qaybiyay qaybaha kala duwan ee hay’addaha dawlada, intiinani waa intii waxbarashada ku qorneyd Insha ALLAH waxaan idiin rajeynaya mustaqbal wanaagsan iyo ardayda in si fiican aad wax u bartaan”Ayuu yidhi Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

 

 

 

 

Leave a Reply