Xukuumadda oo ka Hadashay Hanaanka loo Cidhibtirayo Miinooyinka Dalka ku Aasan

0
349

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) ayaa sheegay in Miino-saarka dalka laga sameeyay 28-kii sanno ee ugu danbeeyay ay keentay in noloshi caadiga aheyd ee bulshadu ay soo noqoto.

Sidoo kale waxaa uu xusay in farriinta guud ee wasaaradu dirta ay tahay sidii ay bulshada uga wacyigalin lahaayeen in ay ka fogaadaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) isaga oo ugu horeyn arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Waaxda Miino Saarka oo ka mida waax ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga waxaa ay bilowday in walxaha qarxa iyo Miinooyinka ay ka saaraan mudadaasi 28-ka sano ah, oo dalka ay ka urrurinayeen, faa’iidada ay dhashay taasi waxaa ay noqotay in bulshadii Wadooyinka ay maraan Beerihiina ay bataan, oo marka la qorsheeyana goobihiii waxbarashada laga sameeyo taasina waxaa ay keentay in noloshii caadiga aheyd soo noqoto, fariinta guud ee wasaaraddu gudbineysaana waxaa weeyi mar walba waxaa aanu bulshada ku wacyigelina sidii ay isaga illaalin lahaayeen Miinooyinka iyo waxyaabaha Qarxa, xarumaha waxbarashada ayay tagaan oo kormeeraan oo ardayda wax ka baraneysa ay ka u soo jeediyaan wacyigelin la xidhiidha sidii Walxaha Qarxa ay isaga ilaalin lahaayeen, imika waxaa lagu jira xili roobaadkii marka dadku heyska ilaaliyaan waxyaabaha Qarxa Miinooyinkana ay ka fogaadaan”

Agaasimaha waaxda Miinadda ee wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay dadaal ugu jiraan sidii ay wadanka uga tir-tirilahaayeen halista ay Miinadu ku heyso bulshada reer guuraaga ah waxaanu yidhi “Dawladu waxaa ay dadaal ugu jirta in ay tirtirto halista ay Miinadu ku heyso bulshada reer Guuraaga iyo kuwa reer Miyiga ah, kuwa magaalada jooga iyo xoolaha nool maada bulshadeenu boqolkiiba konton ay yihiin bulsho xoola dhaqato ah, kuwaasi oo bulsho ku xidhan guurguurista iyo xaga Daaq doonashada iyo xaga biyahaba”

“Waxyaabaha ugu mihiimsan ee waaxdani leedahay waa soo dhejinta qorshe muujinaya sida ay mudnaanta u kala leeyihiin hawlaha u yaala waxqabadka Miinadda, taasi oo laga soo xiganayo sahanka Raad-reebka Miinada oo la sameeyay saddex jeer dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, wareejinta dhulkii Miinada laga saaray oo aanu ku wareejino bulshadii deegaankaasi Miino saarka laga sameeyay”Ayuu yidhi agaasimaha waaxda Miinada ee wasaarada gaashaandhiga Somaliland.

 

Leave a Reply