Ayax Khasaare Ba’an Gaadhsiiyay Beero ku Yaalla Gobolka Awdal

0
558

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama (Dawan) Ayax ku habsaday ayaa waxyeelo weyn u geystay qaar ka mida beerihii wax-soo-saarka ee gobolka Awdal.

Hadaba beeraleyda gobolka Awdal qaar ka mida oo la hadlay Radiyow Ergo ayaa sheegay in Ayaxu ku habsaday tuulooyinka kala ah Xariirad, Xaliimaale, Maraaley, Ceel Baxey, Qoqol, Aroorseel iyo Weeraar.

Waxaaney xuseen in Ayaxani uu kaga yimid dhanka dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, islamarkaana uu cunay dalagyo isugu jira Tamaandho Xabuub, Kaabash, Galey, Hadhuudh Yar Yare, iyo qaar kale.

Saleebaan Xasan Siciid oo ah gudoomiyaha beeralayda ku nool Tuuladda Xaliimaale, ayaa sheegay in Ayaxu uu ka baabi’iyay dalagyadii ka baxay beertiisa oo cabir ahaan gaadhaysa 27 Hektar isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Wax la celin karayo maaha, xilliyadiisa ugu horeeyo ayaa macquul ah in wax laga qabto balse kan xitaa daasadaha la qaraaco wax kama taraan”

Sidoo kale Saleebaan waxaa uu tilmaamay in khasaare weyn uu soo gaadhsiiyay Ayuxu maadaama uu cunay qaybo ka mida wax-soo-saarkii uu mudada ku tabcayay ee ay ka mid ahaayeen Basasha iyo Xab-xabku waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaayay in aan Xab-xabka kaliya aan ka helo $4000, beertaan waxaan ka shaqaynaayay muddo seddex bilood oo xidhiidh ah, Kharash bandanna waan galiyay”

Shide Cawaale Good oo isna ka mid beeralayda Xaliimaale oo beertiisa ay waxyeelladu ka soo gaadhay Ayaxa ayaa wuxuu xusay in uu ahaa mid hawada dhan qariyay “Markii uu i dulmaraayay Ayaxa waxay ahayd sida aniga oo hadh hoos jooga, xitaa maan arkeynin Qoraxda Cadceeda, kolay kolka uu dalagu soo baxo, siyaabo badan baa loo isticmaalaa, marka uu Garawgu dadka ka goosto, qoysas badan baa ku noolaada, kolka laga tago Garawga, caleenta waxa ku noolaada Geela iyo Lo’ da iyo munaafacaad badan lix bilood oo dhan baa lagaga baxaa”

 

 

 

Leave a Reply