Agaasimaha Shaqo Qaran oo Farriin u Diray Dhalinyaradii Codsaday Ciidamada

0
493

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha Barnaamijka shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa ugu baaqay Dhalinyaradii Shaqo Qaran ee soo codsaday in ay ku biiraan Ciidamada Qaranka,  in ay kulan isku yimaadaan Maalinta Salaasada ah ee toddobaadka soo socda.

Warqoraala oo shalay ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa lagu sheegay in lagu wargalinayo in sagaalka Subaxnimo ee Maalinta Salaasada ah ay isku yimaadaan kulan, kaas lagu sheegay in Dhalinyaradii Barnaamijka shaqo Qaran lagu wareejin doono Taliska Ciidamada Qaranka ee ay hore usoo codsadeen.

Waxaana lagu adkeeyay in ay dhawraan wakhtiga loo mudeeyay, isla markaana ay kulankaa isku yimaadaan. Qoraalkaasi Farriinta ah ee loo diray Dhalinyarada Shaqo Qaran na waxay u dhignayd sidan “Dhamaan Dhalinyaradii Shaqo ee soo codsaday inay ku biiraan Ciidamada Qaranka waxa lagu wargelinayaa inay kulan iskugu yimaadaan Maalinta Salaasada ah ee taariikhdu tahay 08/10/2019, Saacadu markay tahay sagaalka Subaxnimo si loogu wareejiyo talisyadooda, Waxa Dhalinyaradaa lagu adkaynayaa inay Wakhtiga dhawraan”.

 

 

Leave a Reply