Gudoomiyaha Degmada Waraabeye oo Ka Warbixiyay Xaalada Degmada iyo Shaqaaqadii Dhimashada Sababtay

0
627

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Degmada Waraabeeye ee ka tirsan gobalka Togdheer, Xamse Shaqale Gaas, ayaa ka hadlay xaaladda nabad-gelyo ee degmada iyo shaqaaqadii ka dhacday deegaankaasi oo sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex Qof oo kale.

Xamse Shaqale Gaas oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco ayaa waxa uu sheegay in ay keentay dhimashadaa iyo dhaawacaa isku dhac dhex maray dhalinyaro Aroos ka soo qayb galay, waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen labo Nin oo ku ee daysan falkaas.

Xamse Shaqale Gaas oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa shaqaaqo ka dhacday Aroos ka dhacay degmada Waraabeeye, waxaana ku dhintay marxuum Jimcaale Maxamed Maxamuud, waxaanan tacsi u dirayaa eheladii Marxuumku ka dhintay, waxa kale oo jira Saddex Nin oo dhaawacyo fududi ka soo gaadheen shilkaas, manuu ahayn wax qorshaysan dil kaasi oo waxaana shilkani ka dhacay dhalinyaro iskugu timid aroos, kawaas oo iskaga kala yimid dhawr tuulo oo isku dhacay ayaa dhimashadaa keenay”.

Xamse Shaqale Gaas oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Dadkii eedaysanayaasha ahaa labo ka mida waanu qabanay, Saddex ka mida eedaysanayaasha waa lagu dabo jiraa, waxaana aanu ku rajo waynahay in aanu ku guulaysano in aanu soo qabano, amniga degmada Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku haya, wax dhiba oo ka taagani majiraan. waana dad wada dhashay oo isku deegaana, meel fiican ayaanay noo maraysaa hawshaasi. bulshada degmada Waaraabeeye na uma baahna dhib, nabed ayaanu ka talinaynaa anagu ka maamul ahaan, waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii nabadgalyada loo adkayn lahaa”.

 

Leave a Reply