Wasaaradda Biyaha Oo Berbera Ka Bilowday Mashruuca Biyo Ballaadhinta

0
573

Berbera (Dawan)- Wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Berbera ka bilowday mashruuc Biyo ballaadhin ah oo uu dhawaan dhagax dhigay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka imanaya masaafo gaadhaysa illaa 13 kiilo mitir.

Munaasibadii lagu daahfurayay mashruucan biyo ballaadhinta ah, oo lagu qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay qaar ka mid ah Injineerada gacanta ku haya mashruuca Biyo-ballaadhinta magaalada Berbera oo ka xogwaramay sida ay hawshu u socoto, iyagoo sheegay in Biyo-balladhinta ay ka samaynayaan dhinaca bari ee magaalada oo markii hore biyo la’aani ka jirtay isla markaana ay meel wanaagsan wax u marayaan.

Waxayna intaas ku dareen injineeradu in mashruucan uu maalgaliyey Bangiga horumarinta Afrika iskana kaashadeen hirgalintiisa xukuumada Somaliland iyo hay’adda Care waaxdeeda fulinta, waxayna bulshada reer Berbera ugu bushaareeyeen inay dhawaan heli doonaan biyo ku filan.

Waxa kale oo, halkaas ka hadlay maareeyaha wakaalada Biyaha ee Berbera Saleebaan C/raxmaan Loolyo, wuxuuna sheegay inay ku dedaalayaan sidii magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan, wuxuuna maareeyuhu iftiimiyey in mashruucani wax weyn ka tari doono baahida dhinaca biyaha, isagoo dadka ku dhaqan Berbera ugu bushaareeyey inay bil gudaheed ku heli doonaan biyo nadiif ah oo ku filan.

Maareeyaha wakaalada biyaha Berbera waxa uu u mahad celiyey madaxweynaha iyo masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Biyaha oo uu sheegay inay ahmiyad weyn siiyeen sidii dadka reer Berbera Biyo ku filan u heli lahaayeen.

Leave a Reply