Wefti Wasiirro ah oo Gaadhay Deegaanka Wadajir oo ka Tirsan Gobolka Selel oo Dhawaan Shaqaaqo ka Dhacday

0
453

“Dawlada waxaa ka go’an in ay go’aan adag ka qaadato shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya ee beelaha dhexdooda” Wasiir Saleebaan Cali Koore

 

 

Saylac (Dawan)- Wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhiga, horumarinta Caafimaadka, horumarinta Biyaha, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo hogaanka hawlgalinta ee ciidanka Booliska ayaa shalay gaadhay deegaanka Wadajir oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Salel oo dhawaan shaqaaqo ku dhexmartay laba beelood oo wada dega deegaankaasi.

Sida uu ku soo warramay wariye Maxamed Cawaale Daahir oo ka tirsan wakaalada wararka ee SOLNA, wefiga wasiirradfa ah ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiintan maamulka gobolka Salel, ka degmada Saylac iyo taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolkaas.

Weftgan wasiirrada ah oo uu hogaaminayo wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, markii ay deegaankaas gaadheen, waxa ay guda galeen hawshii ay u socdeen oo ahayd xalinta khilaafka ka jira deegaankaas, iyagoo kulamo gooni gooni ah la yeeshay odayaasha labada dhinac oo ay weydiinayeen dhinac kastaa waxa uu tabanayo.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa hogo tusaaleeyey odayaasha iyo waxgaradka goobtaas ku sugnaa inay labada beelood intii illaahay abuuray ay deegaankaas wada deganaayeen, isla markaana aanay jirin meel ay ku kala maqan yihiin oo ay yihiin xidid, xigaal, abti iyo adeer wax kala kaxaynayaana aanu jirin, taasna ay fahmaan.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu ka codsaday labada dhinacba inay u hogaansamaan garta iyo go’aamada dawladeed ee ka soo bixi doona arintaas ay xaliteeda degaankaas u tageen, wuxuuna ku dheeraaday inay mid dhaqan iyo mid dawladeedba isugu geyn doonaan.

Wasiir Koore waxa uu intaas ku daray in xukuumadu go’aan adag ka qaadanayso shaqaaqooyinka soo noqonqda ee ka dhaca gudaha Somaliland, isla markaana aanay aqbali doonin inay daba dheeraato iskhilaafka beeluhu, wuxuuna u mahad celiyey labada beelood ee degaankaas wada dega ee ay shaqaaqadu dhexmartay oo uu sheegay inay isxakameeyeen intii awoodooda ah, kuna bogaadinayaan dulqaadkaas ay muujiyeen.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wixii aanu unimid in aad diyaar u tihiin, dhib danbena aydaan ku soo celin, ayaad noo ballan qaadeen, waxa soo socdana aynu ILAAHEY ka talo-saarano, sidii aynu uga bixi lahayn.

Waxaan idiinka mahad celinayaa soo dhawayntiina, waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida aad noo sooryeyseen, waa la lahaan jiray gobanimo, waanan kaa gudoomay.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu intaasi ku daray “Labada reer ee aanu maanta halkan u joognaa intii ILLAAHEY wada abuurayba waa ay wada noolaayeen, waaney isgaadhayeen guri kasta iyo mid kasta iyo qoyskasta way is dhaleen, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaya qofkasta oo ka qayb qaatay, waxaanan cidkasta ka codsansynas inay u hagaansamaan Garta iyo go’aanka dawladda hadii aanay bulshadu sidii dhaqankana u heshiin gartan dawladnimadana aanay aqbalin meesha waxa ka soo baxaysa waxaa uu noqonaya wax adag, taariikh ayaynu heynsa goobo badan oo la degan yahay ayay Somaliland dhibtaasi ka socotay, hada waxaa la ii sheegaya in deegaan Lughaya ka tirsan oo la yidhaao Gargaara Bari in dhibi ka jirto, tan la mid ahi waxaanan dawlada ka go’an in ay go’aan adag ka qaadato, shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya ee beelaha dhexdooda, qofkasta waxaa aanu halkan uga gudbineynsa in aanay dawladu mar danbe u dulqaadan doonin khilaaf beeleed oo riiq dheerada oo ciidanka Qaranka iyo hantida dawladuba ay ku burburto.”

Leave a Reply